Soomalidii hore waxay lahaayeen oo hadadan lagu arki karaa muuqaalo u gaaraha oo dadka aduun weynaha ku nool lagaga sooco, hadaba waxan in yar dul istaagi doona muuqaalkii somalidii hore .
Muuqaalka jidhka
Soomaalidii hore way dhaadheeraayeen, midabkooduna wuxuu ahaa madaw iyo maariin dhalaal. Waxayna ahaayeen qaar aad u qurux baddan oo qorqoran (slim) jidhkooduna aad u xoogan yahay, waxayna isku muuqaal ahayeen faraaaciintii masar.
Muuqaalka Huga
Ragga soomaalidu waxay hu, ahaan u xidhan jireen hoos_gunti hilaab sare. Timaha way la bixi jireen,waxayna galin jireen fidhine, waxayna sidan jireen waqtiga nabadda barkin iyo ul dheer, ninka guur doonka ahi waxa uu qaadan jiray jeedal.
Haweenka soomalidu waxay xidhan jireen garees, xundhurta dusheeda ilaa dacalka hoose oo xagga hore waxay ku xidhan jireen maro qurux badan oo la yidhaahdo boqor waxaana ka sarayn jiray xadhig xariir ah oo labadiisa dacal ku leh bul oo ay dhexda ku xidhani jireen dhacaladaas oo isu qaban jiray gareyska iyo boqolka.
Gabdhuhu mudada aanu naasku u soo bixin waxa hugeeda lagu xidhi jiray naasaha korkooda waxaana qaawanaan jiray xabadka sare ilaa madaxa waxa loo yeeli jiray dhoor. Gabadha marka ay naaso muuqda yeelato, huga waa loo gareysi jiray, timahana waa loo tidci jiray.Gabadha marka la bixiyo ee nin la siiyo waxa madaxa loogu xidhi jiray sun ku leh badhanka meel buuran oo la xigsiiyo wajiga.gabadha marka lala guri galo waxa loo xidhi jiray shaash ama gambo rucubyo leh.
Tilmaamahaas aan soo sheegay baa lagu garan jiray marxalada gabadhu ay ku jirto.
Hooyadu ilmaheeda marka ay meel dheer tageyso waxay ku qaadi jirtaye qayad oo ay dhabarka marin jirtay amba ay marin jirtay dhinceeda hore.
Milgaha gabadhaha soomaalidu
Gabaddhaha soomaalidu waxay u ahaayeen beelaha danjire xidhiidhiya labada qabiil ee midna ay ka dhalatay midna ay u dhaxadaye. Labada qabiil ee dagaal dhexmaro aslaaxinta iyo heshiisiinta dhexmara waxa gogol_dhig iyo tiirar adag u ahaaa gabadho la is dhaafsado oo la idhaa “godob_reeb” godob_reebtu waxay ahaan jirtay gabadhaha kuwa u mudan ee la rabo inay xilka danjiraha si haboon u gutaan.
Dhaqanka iyo maamulkii soomaalida
Soomaalidii hore waxa ay lahaayeen oo hadadan laga arki karaa ismaamulka ku dhisan wada tashi,ismaqal iyo isu hogaansami ku dhisan cadaalad iyo iskaashi walalanimo. Waxa ay caam ku ahaayeen deeqsinimo, soo dhewyn iyo geesinimo. Waxayna lahaayeen madax ismaamul, xeerar, garsoor kala sareeya iyo ciidamo ku salaysan qabiil.
Sumaddaha soomaalida
Soomaalidii hore waxay kala lahaayeen dad iyo xoolaba sumad u ah baadi_sooc oo ay isku kala gartaan. Sumada xoolaha oo ilaa hada jirta, balse sumadii dadku ay baaba,day inteeda badneyd. Sumada dadka waxa ka mid ahaa ilko qorid, dhaban-jeex, san_jeex , iyo bog_jeex. Sumadahan oo beelaha somalida qaar ka mid ah laga helo hadda.
Soomaalidu meherad ahaan waxay soomaalidii hore ku kala tilmaanaayeed saddex tilmaamoo d oo kala ahaa So,maal oo macnaheedu yahay kuwii ku tiirsanaa dheefta xoolaha iyo ugaadha,
Biyo maal oo macnheedu yahay kuwii ku tiirsanaaa biyaha sida beeraha, kalluumaysiga iyo ganacsiga. Tumaal oo macnaheedu yahay kuwii nolashoodu ku tiirsanayd farasamada_ gacmeedka.
Hargysa_ Somaliland
Qalinkii: khadar Mohamed Omer