Burco, (Geeska) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa kumanaan qof oo taageerayaasha xisbiga Waddani ee magaalada Burco kala qaybgalay isku soo baxa maalinta saddexaad ee ololaha doorashada uu xisbigaasi u lahaa shalay.
Musharax Ciro oo khudbad u jeediyey taageerayaasha Burco isku soo baxa cirbaxa ah ka sameeyey ayaa ka hadlay balanqaadyada fashilay ee xisbiga Kulmiye, musuqmaasuqa iyo qorshe la’aanta lagu soo waday todobadii sanadood ee u dambeeyey abaaraha dadka iyo duunyada halakeeyey ee dhawrka jeer ku soo noqnoqday Somaliland, kaas oo tilmaamay in xisbi ahaan ay u qorshaysan tahay marka ay talada dalka ku guulaystaan inay sameeyaan hay’adda ka hortaga abaaraha oo yeelan doonta qorshe kayd ah oo lagaga hortago abaaraha.
Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, waxa uu sidoo kale ku eedeeyey Wasiirka Hawlaha Guud ee xukuumada Kulmiye Cali Mareexaan inuu baloodhaystay dhul uu sheegay markii hore inuu ka dhisayo suuq casri ah oo aanay waxba ka dhaqan galin.
Dr Ciro isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Isku soo bixiinu wuxuu ka jawaabayaa hadalkii Cali Mareexaan ee shalayto ee ahaa ‘Waddani wuu ka baxay Saaxada’, saw sidaa maaha.
Ninbaa lagu yidhi faraskaagu wuu heerya xunyahayoo, sahad dambaad garan buu yidhi’, waxaanu leenahay Burco hadal xumadiinii way ka jawaabtay, waxay kaga jawaabtay waxaa aad arkaysaan.
Walaalayaal maanta waxa aynu u halgamaynaa doorasho xor iyo xalaal ah, waa la tartamayaa, Barnaamij siyaasi ah ayaa lagu tartamayaa, barnaamijkeena inagu waynu soo bandhignay, shacbigaynu u sheegnay, waynu ugu celcelinay, waxaynu doonaynaa in barnaamijkaasi nagu doorataan, waxaanu qiimaynaynaa xukuumada hadda joogta maanta iyo Burco iyo balanqaadyadeedii;-
balanqaadyadeedii waxa ka mid ahaa in garoonka diyaaradaha ee Burco ay dhisto, dayuuradi ma timaado mana dhisna, waxay balanqaaday in garoonka kubadda ee Almis ay dib u dhisto oo ay roog cagaaran dhigto, ma yaalaa roogii cagaarnaa? Waa maya, wuu dumay, waxay balanqaaday inay suuq casri ah dhisto suuqiina Wasiir Cali Mareexaanbaa baloodhaystay. Waxay balanqaaday xukuumadu in dadkii caydhoobay ay dibu dajin u samayso oo la dajiyo, waxaan soo maray shalayto dadkii abaaroobay halkay geeyeen, waxa ay igu yidhaahdeen wax nala siiyo iska daa waxa naloogu hanjabaa oo nalagu khuukhiyaa in cagaf lana mariyo, waliba waxay aad uga cawdeen badhasaabka hadda jooga.
Walaalayaal waxa aanu ka warqabnaa gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag dadka ku abaaroobay ee ku caydhoobay waxa lagu qiyaasaa ilaa 47,000 qof, waxa jira lacagayow badan oo loo sameeyey oo loo ururiyey oo la yidhi dibaa loogu xoolaynayaa, cid la xoolaynayo miyaad aragteen.
Walaalayaal, barnaamijkayaga waxa ku jirta in dadkaa noloshooda dib loogu soo celiyo, la dajiyo la xooleeyo iyadoo laga bilaabayo kuwa Burco degan oo dhulka loo sharciyeynayo ama dhul sharciyeysan la dajinayo.
Waxana doonayaa inaan halkan kaga dhawaaqo, waxa had iyo jeer inagu soo noqnoqda abaaraha oo sanad walba ina haleela inagoon wax tabaabusho ah ka samaysan, waxa noo qorshe ah in laga hortago abaaraha, waxaanu samayn doonaa hay’adda ka hortaga abaaraha oo aanu u dhamaystiri doono sharciyadeeda, hay’addaasi waxay samayn doontaa kayd aynu ka yeelano abaaraha.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro.