“Kulmiye Waxaan Leeyahay Xamar Iyo Somaliya Ma Joognee, Somaliland Baa Lagu Tartamayaaye, Riwaayada Iyo Dacaayada Joojiya”

34
2847

Wasiirkii Hore Ee Biyaha Baashe Cali Jaamac

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, oo dhawaan iska casilay Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, kuna biiray Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xisbiga Kulmiye ugu baaqay ugu baaqay in inay joojiyaan eeddaha Xisbiga Waddani, ee ay la xidhiidhiyaan Somaliya, waxaanu eeddahaas ku tilmaamay dacaayad iyo waxba kama jiraan, waxaanu tilmaamay in Doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa aanay Xamar iyo Somaliya ka dhacayn, ee Somaliland ka dhacayso, sidaas darteed Kulmiye looga baahan yahay tartan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac,oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay nabadooda ilaashadan, codkoodana ay siiyaan Xisbiga Waddani, oo uu ku tilmaamay inuu yahay Xisbiga dalka iyo dadkaba isku wadi kara, waxaanu ugu horeyn yidhi“Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay nabadgalyadooda ilaashadan, oo Doorashada si nabadgalyo ah u galaan, oo mucaarad iyo muxaafidba nabadgalyadu waa qaaliya ayeynu ilaashana nabadeena, waxaana guud ahaan Shacabka ku boorinayaa inay si codkooda siiyaan Xisbiga Waddani, oo ah  Xisbi dadka iyo dalkaba isku wadaya”.

Mar uu ka hadlaayey eeddaha Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi  “Waxba yaan lagu meeraysan Somaliya iyo waxaan suurtagal hayn, oo waxba kama jiraan ah, ee Kulmiye waxaan leeyahay Xamar iyo Somaliya ma joognee, Somaliland baa lagu tartamayaaye, riwaayada iyo dacaayada beenta ah joojiya, oo  Tartan iyo Doorasho diyaar u noqda”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here