Murashaxa Madaxweyne-xigeenka UCID Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
662

Picture2Hargeysa(Geeska)-Musharax ku xigeenka xisbniga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa dalka ku soo laabtay, isla markaasna si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa.

Musharax ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan ayaa sheegay inuu dalka u yimi sidii ay socdaal ugu mari lahaayeen ka xisbi ahaan guud ahaan gobalada dalka, waxaanu dhaliilo u soo jeediyay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Waxa madaarka ku soo dhaweeyay musharax ku xigeenka Ucid Cabdirashiid Xasan, masuulyiinta xisbiga oo uu horkacaayay musharaxa xisbiga,taageerayaal iyo dad kale.

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ugu horayntii soo dhawaynaayay ku xigeenkiisa waxa uu yidhi“Maanta sharaf ayay nootahay inaan halkan ku soo dhawayno musharaxa jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID Aqoon yahan Cabdirashiid Xasan Mataan oo dalal  badan oo dibada ah soo maray hadana ka yimi dalka Uganda, Cabdirashiid waxa uu ka mid yahay tiirarka waaweyn ee xisbiga UCID aniga oo ku hadlaaya magaca xisbiga  iyo taageerayaashiisaba si weyn ayaanu u soo dhawaynaynaa.aniga Cabirashiid iyo guddoomiyaha xisbiguna waxaanu rajaynayna inaan safaro gobolada dalka ku soo marno,si aan u ogaano xaalada guud ee dalka,isla markaasna ula soo sheekaysano oo aanu ogaano arimahooda si aanu codkooda ugu hadalno maadaama oo aanu nahay xisbi mucaarad ah.”

Musharax ku xigeenka UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa ka hadlay socdaalkiisa, waxaanu dhaliilo u soo jeediyay xukuumadda, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa “Alle ayaa mahad leh nabad qab dalka igu keenay,sida oo kale waxa aan u mahadnaqayaa taageerayaasha xisbiga UCID.ujeedada safarkagu waa inaan isugu nimaadno is xog-waraysi iyo talooyin xisbiga iyo dalkaba quseeya iyo inaan qayb ka noqdo safarada xogagaal u noqshada ah ee gobalada dalka. Waxaan aad iyo aad uga xumahay oo aan u canbaaraynayaa xadhiga soo badanaaya ee lagula kacaayo dadka Somaliland,haday tahay dhalinyaro iyo aqoon yahanba, waxaan gaar ahaan u canbaaraynayaa dhalinyarada ku xidhan Gabilay oo u xidhan fikirkooda een  galin wax danbi ah, waa xadhig sharci daro ah oo ka soo hor jeeda dastuurka aynu qaadnay, waa xadhig ka soo hor jeeda taariikhda Somaliland ay leedahay oo tilmaamaya dadku waxay ka dagaalameen in aynu inagii dib ugu dhaqmayno,xadhigaas iyo cabudhinta soo kordhaysaa maaha mid anfacaysa xukuumadda, waxaanan u sheegaynaa inay dib uga noqoto,wax la sharfo aadamaha ayaa ugu sareeya  oo Alle ayaa quraankiisa ku sheegay, haddii qofku waayo xoriyadiisa shaqsiga ah waxa ka dhib badan ma jirto,waxa lagu faanona  waxa ugu mudan qofka Aadamaha ah karaamadiisa oo la ilaaliyo,waxay xoriyadii maraysaa in wargaysyadeenii  inbadan xidhan yihiin oo aan waxba layska odhan.wax qayb ka ah firkirada aan urursanayno doodii qaran oo aanu rabno wax badan oo dalkan ka qabyo ah iyo dhibaatooyinka soo kordhaya inay u noqon doonto dabar.”