Hargeysa (Geeska)- Maxamed Khadar Daahir, oo ah Nin dhalnyaro ah oo reer Hargeysa, isla markaana aqoonyahana, ayaa shalay si rasmiya u shaaciyey Musharaxnimadiisa Doorashada Golaha Wakiilada,ee la filayo inay Sannadka dambe dhacdo, waxaanu iska soo sharaxay Gobolka Maroodi-jeex. Munaasibadii shaacinta ee Musharaxan oo shalay ka dhacday Ramad Hotel ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Munaasibadaas oo qado sharaf ahayd ka soo qeyb galay Musharaxan u taagan Golaha Wakiilada, Cuqaal, Odayaal, Madax Dhaqameed, Wax-garad, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Marti sharaf aad u tiro badan oo ka soo jeeda Beesha uu murashaxu ka soo jeedo.
Guddoomiyaha Guddida Doorashada ee Beesha Gaashanbuur ee Beelaha Ciidagale, Maxamed Gaydh oo isagu uu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Beeshu ay isku raacday Musharaxa Maxamed Khadar Daahir, inuu uga qeyb galo Doorashada Golaha Wakiilada, isla markaana ay rajaynayaan inuu ku soo baxo Doorashadaas, sidaasna uu ku noqdo Xildhibaan, waxaanu yidhi “Beeshu waxa ay markii hore ku guulaysatay inay soo saarto Xildhibaan Khadar Qayla-weyne, Tartankii Golaha Deegaanka, wada tashi iyo is afgarad ayeyna sidaas ku gaadhay, waxaana rajaynayaa inay haddana sidaas oo kale ay dhici doonto oo aynu Musharax Maxamed Khadar Daahir, aynu soo saari doonto Doorashada Golaha Wakiilada, maxa yeelay waa Nin Dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah Jaamacadana Macalin ka ah”.
Guddoomiyahan oo ka hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Goobaha Diiwaangelinta ee dalka laga diiwaangeliyo oo ah 200-goobood, Beesha Ciidagale waxa kaga soo hagaagay Sagaal meelood, laba meelood oo Hargeysa oo kala ah Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe, inta kalena waa Miyiga, markaas waa wax aad inoogu yar”.
Xoghayaha Guddida Doorashooyinka Beesha Gaashaan-buurta Cabdinaasir Cabdillaahi Cabdi, oo isna Munaasibaas ka hadlay ayaa sheegay inay si xeel dheer u badheen cida u qalanta Beesohoda jagadan, isla markaana ay isla garteen inay soo xulaan Maxamed Khadar Daahir,cid ay ka taba keenayaana aanay jirin, waxaanu yidhi “Ka Guddi ahaan, waxa aanu sameeynay badhitaan, waxaana aanu isla qaaday in Tartanka Doorashada Golaha Wakiilada uu nooga qeyb galo Maxamed Khadar Daahir,oo ah oo aanu kalsooni buuxda ku qabno, beesha oo dhamina ay u dhan tahay, cid laga daba keenayaana aanay jirin”. Caaqil Xasan Badmaax, Caaqil Maxamuud Maxamed Xaashi iyo Caaqil Cabdiwali Jaamac Cabdi, oo iyaguna ah Cuqaasha iyo Odayaasha Musharax Maxamed Khadar Daahir,ayaa sheegay in guud ahaan Beesha oo dhami ay isku raacsan tahay, inuu Tartanka Golaha Wakiilada uga qeyb galo, codkoodana siiyaan, oo isku mawqif ahaadan, isla markaana aanay meel kale wada marin, oo isaga mooye Musharax kale aanay keenin.
Cuqaashan ayaa sidoo kale waxa ay ka hadleen Goobaha Diiwaangelinta oo ay sheegeen in aanay ku filayn Goobahan la siiyey Beeshooda, oo loo baahan yahay in loo kordhiyo, si cadaaladi ku dheehan tahayna loo qeybiyo goobaha diiwaangelinta.
Musharax Golaha Wakiilada isku soo taagay Maxamed Khadar Daahir, oo isaguna uu dambayntii Munaasibadaas ka hadlay ayaa uga mahadnaqay Odayaasha,Cuqaasha, Madax Dhaqameedka beeshiisa, isaga oo uga mahadnaqay sida ay u soo xuleen, una garteen inuu u noqdo Musharax Golaha Wakiilada ah, waxaanu balanqaaday in haddii uu ku guulaysto Doorashada Golaha Wakiilada, in wixii talo iyo tusaale ah ee loo soo jeediyo inuu qaadan doono waxaanu yidhi “Waxa aan idiinka mahadnaqaya sida wanaagsan ee aad igu garateen in aan noqdo Musharax Golaha Wakiilada ah, waxa laga yaaba in dad badani is yidhaahdaan waa Dhalinyaro, balse waxa aan idiin sheegay in qof walba lagu qiimeeyo kartidiiisa, aqoontiisa iyo dadnimadiisa, waxaana idiin balan qaadaya haddii ALLE SWT yidhaahdo in haddii aanu ku soo baxo Jagadan inaan wixii talo iyo tusaale ah aan idinkula soo noqon doono, oo aan idin dhagaysan doono”.