Muqdisho: Qaraxyo Iyo Weeraro Bisha Ramadan La Kowsaday

0
636

Picture2Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Qaraxyo laba ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaliya, iyadoo ay maalintii Axadiina ay ka dhacday toogasho lagu dilay laba askari oo taraafig ah. Waxay la curteen bisha barakaysan ee Ramadaanta.

Ugu yaraan laba ruux ayaa shalay ku dhimatay qarax lala beegsaday xafiiska canshuuraha ee Magaalada Muqdisho, toddoba kale ayaa ku dhaawacantay.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay Suuqa Kaaraan ee woqooyiga Muqdisho. Labada ruux ee ku dhimatay ayaa la sheegay inay yihiin dad rayid ah.Dadka dhaawacmay ayaa isugu jiro rayid iyo caadammada dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Qarax kale ayaa isna xalay ka dhacay meel u dhow wasaaradda gaashaandhiga, waxaana la sheegayaa inay ku dhaawacmeen laba askari.

Axadii ayaa waxa iyagana la toogtay laba askari oo Taraafig ah oo ku sugnaa badhtamaha Muqdisho. Weeraradan ayaanay weli cidi sheegan, waxase la ogyahay inay Al-Shabaab ku hanjabtay inay weeraro dheeraad ah qaadi doonto bisha Ramadaan.