Mujahid Xasan Ciise Oo Qalbi Furan Ku Qaabilay In Cabdiqadir Jirde Noqdo Gudoomiyaha Waddani

0
579

Hargeysa (Geeska)-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo laysku raacay inuu noqdo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

1

Xasan Ciise Jaamac ayaa dhambaal uuay soo saaray wuxuu ku soo dhaweeyay in Cabdiqaadir noqdo guddoomiyaha xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Waatan maanta [shalay] xaflada lagu qabtay Ambassador ee ay isku afgarteen  in Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde loo magacaabo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, markaa Cabdiqaadir ayaan aqoon u leeyahay oo aanu isku kacaan ahayn, iskuulkana isku sanad ahayn  markaa waan hambalyeynayaa waana nin aan ku kalsoonahay, waxaanu ka mid yahay ragga maanta wadanka somaliland jooga ugu aqoonta badan uguna fahmada badan dhinaca siyaasada uguna waaya aragsan lana aamini karo, markaa aad iyo aad ayaan u hambalyeynayaa Cabdiqaadir Jirde.”

Xasan Ciise, wuxuu intaas raaciyay ,  “Cabdiqaadir Jirde waa nin aan ku kalsoonahay waana nin aan aaminsanahay inuu wax badan ka tari karo meel kasta oo uu ku biiro markaa waan tahniyadaynayaa waanan ku hambalyeynayaa hawshaas cusub ee uu qabtay waxaanan u rajaynayaa in ilaahay ku asturo.” Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise.