Mujaahid Xasan Guure Oo Luuqaad Adag Kaga Hadlay Dibad-baxyadii Burco Iyo Oodweyne

0
890

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay qaabka ay wali uga jawaabayso mudaharaadyada dadka wax diidani ay dhigaan.

Mujaahod Xasan Guure waxa uu luuqad adag ku dhaliilay dadka loo xidhxidhay mudaharaadyo ka dhacay Oodweyne oo qaarkood ay Burco joogeen,waxaanu daboolka ka qaaday inay qoraal rasmi ah gaadhsiin doonaan dawladaha fan gareeya ciidamadda RRU-da oo uu ku eedeeyay inay yahiin kuwo laga leexiyay jihadii loogu talo galay loona adeegsanaayo cabudhinta shacbiga, ugu danbayntiina waxa uu Mujaahid Xasan Guure ugu baaqay madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xukuumaddiisa in aanay dalka dumintiisa ka talin.

Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiyaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Muhararaadkii Oodweyne dad baa loo xidhxidhay, qaab xun oo aan sharci ahayn ayaana loogu xidhxidhay, waxa is weydiin mudan mudaharaadku ma xaaraanbaa? Dastuurku waxa uu qofka siinayaa xaq ah wixii uu tabanaayo inuu dariiq kasta oo nabad galyo ah ku dhiibto, waxaad moodaa dawladeenii inay hadda noqtay wax ka xun faqashtii, waxa la leeyahay mudaharaadka Oodweyne ka dhacay waxa loo xidhay dad Burco joogay oo aan meeshaba joogin,sida loogu xidhayna maaha sidii xeerku ogalaa ee labadii habeenimo ayay ciidankan RRU-da la yidhaahdaa ee aad moodo dhabar jabintii Siyaad Bare  ugu daateen gurigiisa,qofka loo baahdana waa loo yeedhi karaa,ciidankan RRU-da ma waxaa loo sameeyay in dadka lagu cabudhiyo, waxa muuqata in dawladeenii ay isku rogtay waxaan is lahaa kolay intaad nooshahay ma  dhici doonaan.Maxamed Siyaad Bare waxii lagu diiday ee lagula dagaalamay may ahayn  Lacag iyo kursi ee waxay ahayd xaq uu qofku leeyahay,cabudhin iyo ciidan labada habeenimo dadka u daata, ciidankan dadka habeenkii ugu daadanaaya guryahu waxay I xasuusinaysaa maalmihii xumaa ee dhici jiray wakhtigii Siyaad Bare.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaan leeyahay waar ka daaya, halkaad maraysaan waa meeshii ugu xumayd, waxaad doonaysaan dalkan inaad qastaan ee ka daaya,dalka haynaga qasina, ma waxaad gaadheen wakhtigii nimcada la daadin jiray, waxaad moodaa inaad maraysaan halkii Ismaaciil Mire ka gabyay ( Ninka koob nimco ah fuuqsaday ee kadin irmaan yeeshay,in karuurka uu qubo horey kaafka ugu tiilay),waxaanu idinka abhinaynaa idinkaa haysta kursigiiye iyo nimcadiiye haysku kicinina dadka ee ka daaya.Axmedow waxani waxaynu u soconay may ahayn, ismaan lahayn intaad nooshay ayay waxan oo kale dhici doonaan,waliba Axmed oo ka madax ah oo jabhadii soo maray, waar ragii waxan oo kale ka dagaalamay ee u dhintay ayaa wali sii qoyan  oo kuwii xabadu ku dhacday ayay wali ku jirtaa, caynkaas ku socon mayso Axmedow ee madaxweyne dalku meel xun ayuu marayaa hadaad ogtahay iyo hadii aanad ogaynba.”

Isagoo mujaahid Xasan Guure la hadlaya reer Burco, wuxuu yidhi “Dadka reer Burco waxaan baaq ugu diri lahaa waynu aragnaa dawladii waxay ku socotaa meel xun, waxan dhacay qolana ma laha qofna loo tirin maayo, maamulka dalka jooga ayaa qof qof ahaan loogu tirinayaa, waxaanse ku talin lahaa inaad degenaataan oo aad dhawrataan nabadiina oo aydaan iska hor iman oo aydaan is dilin waa sida la doonayee.ciidankan RRU-da waxaan moodayay in qolyaha reer galbeedku ay u sameeyeen argagixisada, arintii intay ka soo jeesteen ayay dadkii ku soo jeesteen, fariin ayaanu arintaas uga diri doonaa beesha caalamka, hadday doonayaan inay dadka dalkan ku cabudhiyaan ciidankan cashuurta dadkooda lagu bixiyo anagu yeeli mayno.arintaasna si rasmi ah ayaanu fariin uga diri doonaa beesha caalamka.”

Ugu danbayntiina guddoomiyaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday“Nin lagu sheegay Ina Cali Qabalax ayaa la taliyay Sayid Maxamed Cabdale Xasan oo waxa uu ku yidhi xaruntani xarun kuu noqon mayso hadaanad saddex arin oo X-ka kaca aanad ka dayn ( Waa uu Xujoobay,Xidha iyo Xabad ku dhufo), maraas waxaan leeyahay madaxweynaha saddexdaas xaalo waa kuwii uu Siyaad Barre inagu kiciyay ee qoriga inoo dhiibay ee ka daa dalkani dal inoo noqon maayee, dhibku halka uu gaadho nina ma hadiyo ka sameeya iyo ka lagu sameeyaba.”