Mujaahid Cali-gurey Oo Sheegay In Iskaashi Dhex Mara Somaliland Iyo Maraykanku Uu Keeni Karo Aqoonsi

0
562

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa ka hadlay Safarka uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku joogo dalka Maraykanka.

Cali-guray wuxuu sheegay in Dawladda Maraykanku ay dano badan ka leedahay Somaliland, sidaasi si la mid ahna ay Somaliland dano ka leedahay Maraykanka iyo dunida reer Galbeedka, haddii danahaasi iswaafaqaana ay suurto-gal tahay in Somaliland aqoonsi hesho.

Cali-guray oo arrimahan iyo kuwo kale uga warramay Telefiishanka SAHAN, ayaa yidhi  “Safarka Madaxweynaha ee dalka Maraykanka waxaan u arka Talaabo fiican oo bilow wanaagsan ah, waana arrin Kaalin muhiim ah ka qaadanaya siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland.”

Mujaahid Cali-guray waxa kale oo uu sheegay “Somaliland xidhiidhka Maraykanka dan bay la leedahay, Maraykankuna dan buu ka leeyahay iyo reer Galbeedkuba, Caalamkuna waa Masaalix, markaa haddii ay is waafaqaan Maslaxdooda iyo Maslaxadoodu Ictiraafku waa wax iman kara oo ay ka shaqayn karaan, weliba Maraykanku wuxuu leeyahay Xulafo aad u faro badan oo dunida inta badan isagaa xukuma, markaa xagguu u dhaqaajiyo waxa u dhaqaaqaya in badan oo kale..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office