Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa shaki ka muujiyay doorashada madaxtooyadu inay dalka ka qabsoomi doonto, waxa uu sida oo kale musharaxiinta ugu baaqay inay gartaan dalkani waxa uu haatan u baahan yahay.
Cali Guray ayaa ka hadlay xaruntii uu kaadhka codbinta ka qaadanayay waxaanu warbaahinta u sheegay in loo baahan yahay haddii doorasho dhacdo in musharaxa guulaysta la hanbalyeeyo, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi "Anigu maalintii hore ee lays diiwaangalinayay waxaan is diiwaangaliyay maalintii koowaad, markii la bixinaayayna waxaan qaatay maalintii koowaad sanadkan cod bixiye ayaan ahay hawlaha kale kuma jiro, waxa dadku in badan warwar ka qabaa bahashaas aan kaadhkeedii imika sito (Doorashada ) inay dhacayso iyo inkale waayo jiitan hore oo badan ayay soo gashay markani waxay noqon doontaa kama danbayn oo dalkani ma qaadi karo, wakhti danbe oo intaas ka badan odayga xaaladiisa waynu ognahay oo mar hore ayuu ka tanaasulay waxan laakiin waa lagu hayay, Alle caafimaadka haw siyaadiyo oo doorashaduna si wacan oo nabadgalyo ah oo xor ah oo xalaal ah ha inoogu dhacdo kii soo baxana halagu hanbalyeeyo, ninkaas soo baxaayana hawlbadan ayaa u taala laakiin garan maayaan musharaxiintu ayaan u malaynayaa."