Muddo Kordhinta Dawladda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

0
663

Xukuumadan Muddadeedii Way Dhamaatay. Ujeedada Qoraalkani Waxa Ay Tahay: In Doorasho Xor Ah, Oo Xalaal Ihi Qabsoonto. Muddo Kordhin Dambe Laga Waantoobo. Loolanka Doorashada Laga Ilaaliyo Tartan Qabiil Iyo Turxaan

1

Muddo Kordhinita Guurtidu Caadaysatay, Waxay Curyaamisay Maamulkii Dalka Iyo Hormarkii. Waxay Duudsiday Xaqii Tartanka Doorashada.

Guurtidu ha u laabato waajibaadka Dastuurku siiyay ee ah: “Golaha odayaasha iyo qaybta 2aad ee Xeer-dejinta, dib u eega xeerarka ka soo baxa: Golaha Wakiilada. Wuxuuna gaar u leeyahay dejinta xeerarka ku saabsan; Diinta, Dhaqanka iyo Nabadgelyada”. 

Haddaba waxa isweydiin mudan, halkee Dalku maanta marayaa? Maxa looga guuray Muddada xilka ee Xukuumadda ee 5ta sano ah, Wakiiladda ee 5ta sano ah, Guurtida ee 6da sano ah.  

F.G: Sidii Doorashooyinka loo bilaabay Guurtida marna lama dooran.

Maxaa sababay? Muddo kordhintu waxa ay noqotay danta: Xukuumadda, Golaha Wakiilada iyo Guurtida.

Qodobka 42-3. Mudo kordhintu waxay ku iman kartaa: Hadii  doorashadu ku    qabsoomi-weydo duruufo adag awgeed. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, aafo, iyo abaaro culus.  

Xukuumadda iyo Baarlamaanku xil-koodii way ka gaabiyeen. Waxana ka dhashay, maamul xumo curyaamiyay horumarkii Dalka. Waxa kale oo abuurmay isbahaysi waaxihi isdheeli-tiri lahaa. (Baarlamaankii iyo Xukuumaddii) oo xilkii loo dhaariyay u isticmaalay cimri-dherar kursi iyo dano gaar ah. Markaa waxa tasoobay AMAANADII Dadwenuhu u igmaday MADAXDA Dalka iyo KITAABKII ay ku DHAARTEEN. 

“Surada Al-Nisa. Ayadda 58: ALLAH WUXU IDIN FARAYAA, IN AAD AMAANADA GAADHSIISAAN EHELADEEDA, KUNA XUKUNTAAN CADDAALAD.”

Amaanadu waa: XUKUNKA, MAALKA IYO MAS’ULIYADA.”                            

Khasaaraha ka dhashay muddo kordhintu  wuu badan yahay wax aka mid ah:

Golihii Guurtida, Laba iyo siddetankii (82) xildhibaan ee la soo magacaabay  waxa ka jooga kow iyo toban)  xubnood oo shani ka caafimaad qabto.

Inta kale waxa ay ku fadhiyaan Golaha, dhaxal-tooyo aan sharci ahayn. Looma eegin sifihii Xubnaha hore lagu soo xulay: Aqoon Diineed, Dhaqan aqoon iyo nabadgelyada.

Golaha Wakiilada iyo Xukuumadu ma danayn bur-burka G. Guurtida iyo sharciga ay baal-martay.

Xasuusin dhaarta dastuuriga ah qodobka 129:

“WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO”.                                                                                           

Muddo-kordhinta khilaafsan sharcigani, waa XAARAAN. Waxa laga DHEEFAANA, WAA XAARAAN, CIBAADO OO DHAN (DUCO, SALAAD, SOON i.w.m) ALLAH ma AQBALO. 

Waxa isweydiin mudan, JIRITAANKA GOLAHA GUURTI, DALKANI MA U BAAHAN YAHAY? Maxaa laga dheefay?

Sumcad wanaagii JSL doorashooyinka ka kasbatay, muddo-kordhintaa dishay.

Maxaa se ADDUUN XAARAAN ah, ku baxay, MUDDO KORDHINTA KHILAAFSAN SHARCIGA?

Doorashooyinka waxa u horeeyay DAWLADAHA HOOSE. Waxa la bilaabay sannadkii 2002.

Madaxweyne Riyaale; waxa la doortay April 2003: ILAA June 2010: Muddo dhaaf: 2 sano & 2 bilood                 

Waxay ka dheefeen Madaxweyne + Ku Xigeenka Total = slsh 7,503,238,400 ($ 1,250,539.7)                                                                                                   

Madaxweyne Axmed + Ku Xigeenka July 2010 ilaa March 2017: 1 sano & 9 bilood.

Waxay ka dheefeen Madaxweyne + Ku Xigeenka isugeyn = slsh 2,457,000,000 ($409,500)                                                                               

G. Wakiilada waxa loo kordhiyay September 2005 ilaa March 2017 ““: 6 sano & 7 bilood.       “”        “”                                isugeyn 6 sano & 7 bilood = slsh 113,423,470,677 ($18,903,911.8)

G. Guurtida waxa loo kordhiyay September 2007 ilaa March 2017 “”: 9 sano & 7 bilood 

        “”  “”                              isugeyn 9 sano & 7 bilood = slsh 135,552,092,634 ($22,592,015.44)     

Gebagebo:

Gunta iyo gebagebadii waxa hubaal ah in masuuliyadii aan sideedii looga soo bixin, dhib waxa inoogu filan inta aynu kor ku xusnay si arintani aanay mar danbe usoo noqon waxa waajib inagu ah in jidkan aynu kusocono inaanu ina anfacaynin oo isbedel aynu samayno kaasoo lagu saleeyo danaha ummada.

Waxaanu talo ku soo jeedinaynaa:

In dib loo eego ujeedadii loo sameeyey guurtida

ALLAA MAHAD LEH