Muddane Ka Tirsan Guurtida Oo Somaliya Ugu Baaqay Inay Faraha Kala Baxdo Arrimaha Somaliland

0
563

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, oo ka tirsan Mudanayaasha Guurtida ayaa Dawladda Somaliya uga digay inay faraha la soo gasho arimaha Somaliland, waxaanu wax aan suurtagal ahayn ku tilmaamay go'aankii ka soo baxay, inay Madax-dhaqameedka Somaliland soo xulaan Barlamaanka Somaliland u matali doona .

ddddd

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi "Madax-dhaqameed Somaliland ah oo Somaliya iyo Muqdisho tagayaa ma jiraan, qaar joogana ma jiraan, wax aad looga xishoodana waxa ah inay ka soo baxaan hadalo aan caqliga geli karin oo ah in Madax-dhaqameedka Somaliland soo xulaan xubnaha Barlamaan oo Dawladda Somaliya u matala, waxaana uga digayaa Dawladda Somaliya in aanay soo farashan oo ay faraha kala baxdo arimaha Somaliland".

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa mar uu ka hadlaayey markii ay isku biireen Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi "Waxaaba khalad iyo gef ahayd inay Somaliland dawladnimadeedii la doonato Somaliland Sannadkii 1960-kii, balse iyada oo Shacabka Somaliland aad jecel walaalahooda Somaliya, ayey Dawladnimadoodii u geeyeen, balse nasiib daro cadaadis, dhib, xasuuq iyo dil kadib ayey Shacabka Somaliland dib ula soo noqdeen xoriyadoodii 1991-kii, waxaana isla sannadkii 2001-kii loo coddeeyey Dastuurka iyo in aanay dib loola midoobin Somaliya, markaas waxa aan Maamulka Somaliya leeyahay ha nagu hunguubina, oo faraha nagala baxa, dalkiinana ku eekada".

Dhinaca kale Xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa tacsi u diray Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Guurtida oo geeriyooday, waxaanu yidhi "Sheekh Khaliif ALLE ha u naxariiste waxa uu ahaa Xildhibaan, waxa uu ahaa Sheekh, waxa uu Guurtida ku soo jiray intay jirtay oo ah ilaa iyo 25-sanno, wax badan ayuu ka shaqeeyey islaaxa iyo nabadayn, ILLAAHAY godka ha u nuuro, ehelkiisi, qaraabadiisi, shacabka Somaliland iyo Golaha Guurtida ee uu ka baxayna  samir iyo imaan ha ka siiyo"