Muddanayaal Ka Tirsan Guurtida Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Diriray Deegaanka Dararweyne

0
529

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan golaha guurtida soomaaliland ayaa ka waramay dagaalkii dhex maray labada beelood ee ka dhacay deegaanka Darar Wayne ee gobolka Sanaag kaas oo sababay dhimasho iyo dhawaac.

wwwwww

 Xildhibaan Cumar Nuux Waaye Iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan Muxumed oo u waramay wargeyska geeska Afrika ayaa beelaha dagaalku dhex maray ugu baaqay inay qoriga dhigaan nabadna qaataan.

Ugu horayn Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka hadlaya dagaalkaasi ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Beelahani ha xeeriyaan midnimada, wada dhalashada, xididnimada iyo walaaltinimada ka dhaxaysa, runtiina sida ay samaynayaan maaha si dhaqan iyo wada dhalasho, waxaas dhacayna yaanay wax kale ka daba gayn  oo ilaahay haw soo noqdaan, dhibkaas dhacayna yaanay mid kale ku darin.”

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan Muxumed ayaa isna dhankiisa  waxa u ka hadlay dagaalkaasi waxaanu yidhi “Marka hore tacsi ayaan u diraya beelahan dagaalamay, waxaana ILLAAHAY uga baryayaa in intii ku dhimatay uu u naxariisto, inta ku dhaawacantayna uu caafimaad siiyo, waxaanan  farayaa Beelahan oo aan kula talinayaa inay dagaalka joojiyaan, colaadana joojiyaan, nabada ayaa inoo wada dan ah ee nabada qaata, idinka ayaana walaalo ah oo is dhalay ee cadaawadu cidna waxba tari mayso ee nabada ka taliya  oo dhib dambe yaanay dhicin, waxaana ku talinayaa in Beelahan la heshiisiyo  oo loo gurmado oo nabadooda laga shaqeeyo” ayuu yidhi Xildhibaan Qawdhan.