Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Oo Maanta Yeelanaya Fadhi Aan Caadi Ahayn

0
580

Hargeysa (Geeska) – Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Sabtida Maanta oo ku beegan 28 March, 2020 yeelanaya Fadhi aan Caadi ahayn.

Fadhigan oo uu dalbaday Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi  ayaa sida qorshuhu yahay waxay Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu ku ansixin doonaan Xubnihii Xisbiyada Mucaaradka ahi u soo Magacaabeen inay uga mid noqdaan Komiishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi ayaa Toddobaadkii hore waxa uu qoraal u gudbiyey Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, kaasi oo uu kaga dalbaday inay isugu yeedhaan Xildhibaannada Golaha oo ku jira Fasax, si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan labada Xubnood ee Xisbiyada WADDANI iyo UCID u soo Magacaabeen Komiishanka doorashooyinka Somaliland.

Xubnaha Maanta uu Goluhu ansixintooda u fadhiisanayo ayaa kala ah:- Cabdifataax Ibraahim Xasan oo UCID soo Magacaabay iyo Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo WADDANI soo Magacaabay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here