Mudanayaasha Wakiilada Oo Su’aalo Weydiiyay Wasiirka Madaxtooyada Oo Golaha Horgeeyay Xeer Cashuur Kordhin Ah

0
4077

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayay si adag isku hirdiyeen wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, kadib markii golahaas uu u hor yimi si uu sharaxaad uga baxiyo xeerka horumarinta wadooyinka oo wasaaradiisu ay u soo gudbisay golaha,xeerkaas oo ay ka dhex muuqdaan cashuur lagu kordhiyay gaadiidka wadooyinka isticmaala iyo xoolaha nool ee dhoofa.

Tiro xildhibaano ah ayaa su’aalo ka waydiiyay wasiirka cashuurtan lagu kordhinaayo xoolaha iyo gaadiidka ee xeerka ku xusan,isaga oo wasiirkuna su’aalahaas jawaabo ka baxiyay.

Ugu horayntii wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali oo sharaxaaya cashuurta ay ku wadaan in ay ku kordhiyaan xoolaha iyo gaadiidka waxa uu yidhi “Laba meelood ayaa la saaray cashuur oo ah xoolaha nool waa waxa kaliyaata ee aynu dhoofino ee aynu la soo baxno iyo gaadiidka aynu nidhi wadada ayuu maraa,xoolaha nool waxa la qiyaasay maxaa laga qaadi karayaa markay xukuumadan timi waxa laga qaadi jiray xoolaha 7.5 dolar,xukuumadunawaxay ku da’daashay in la dhimo oo ay noqoto 5.5,Lo’da iyo Geela 19.5 dolar ayaa imika la qaadaa waxaana laga qaadi jiray 23 dolar oo xukuumadan ay kula wareegtay. anaga oo eegayna maadaama oo hore loo dhimay in wax la saari karaayo sida oo kalena u tudhayna xoolaha, waxaan qorshaynay in 1 dolar la saaro adhiga,loda la saaro 3 dolar,Geelana  5 dolar,hasa yeeshee markii aanu hor dhignay gudida bulshada ee golaha doodii aanu wada galnay waxaanu isla qaadanay  fikir ahaan in adhiga laga dhigo 0.5 dolar,Loda iyo Geelana lagu kordhiyo 2 dolar iyada oo loo tudhaayo adhiga iyo dadka ka ganacsadaba. Waxaanu qorshaynay gaadiidka yar yar ee 3 tan ka hooseeye in laga qaado 15.5 dolar sadexdii biloodba mar,sida oo kale gaadiidka waaweyn oo culys badan ku haya wadada in 5 dolar tankiiba loogu qiimeeyo sadexdii bilooda mar,doodii aanu galnay gudida arimaha bulshda ee golaha wakiilada waxaanu fikir ahaan isla qaadnay in laba jeer laga dhigo sanadkii lix bilood iyo lix bilood iyada oo aan qiimaha waxb laga badalin.” 

Intaas ka dib waxa su’aalo waydiyay tiro xildhibaano ah,oo aanu su’aalahoodii kuwii  ugu muhiimsanaa idiinka soo qaanay waxaana ka mid ahaa

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog):- Qabyo qoraalka xeerkan horumarinta wadooyinku miyaanu culays dhaqaale saarayn dad weynaha danyarta ah 99% ay shaqo la’yahiin?

Waxaan si leeyahay waxaad moogan tahay waxa loo adeegayaa waa bulshada ee wadada loo samaynayaa,haddii aad leedahay lacagta xoolaha la saaro miyaanay bulshada culays ku keenayna ninka reer miyiga ah lacagta aanu xoolaha saarnay laga qaadimaayee ninka ganacsadaha ah ee dhoofinaya ayaa laga qaadayaa,mana aha wax culays dhaqaale ku keenaya qofka danyarta ah ee neefka iibinaya.haday xildhibaan Cabdiraxmaan Xoogoow tudhaale kugu jirto danyarta waxan soo tilaamay in dawladii UDUB ee aad ka tirsanayd ay qaadi jirtay 7.5 Dolar, oo ay lix dolar oo lacagtaas ka mid ahna qaadan jireen,maanta halkan waxa ka muuqda bulshada tudhaalaheedii  iyada oo lacagtii laga dhimay laga qaadi jiray iyo sida oo kale wadadii oo loo dhisaayo.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Jaamac (Dable):-Biriishyadu waa meelaha isku xidha wadada quruxda badan iyo ta ka shishaysa dad badana way ku haligmeen wadada isku xidha Hargeysa iyo Bebera maxaa idiinka qorshaysan ee dhismayaal ah?

Biriishyadu aad iyo aad ayay muhiimad u leeyahiin waxaana jira dhibaatooyin badan oo inaga soo gaadhay iyo dad badan oo daad qaaday,biriishyadu aad ayay qaali u yahiin wadooyinka biriishyo u baahana way badan yahiin markaas waxaanu doonaynaa inaanu sida ay u kala muhiimsan yahiin u dajino oo xalkoodii ayaanu wadnay.tusaale ahaan dooxa ugu weyn ee Dacarbudhuq laba xalba waanu ugu talo galnay oo kala ah in hada gacanta lagu hayo istab labada dhinacba dooxa laga dhigo oo aanu birahoodii hada dhisayno si dadka looga xidho inta ay biyahu socdaan,meel laga eego marka la sii dayn karo gaadiidkana waa loo saynayaa inta kalena waa la qafulayaa ilaa biyahu dhaafayaan,gacantana waa lagu hayaa wiigan gudahiisana waa la dhaqan galinayaa. Ta labaad maadaama oo aynu nidhi biriishku aad buu qaali u yahay waxaanu ka fakayraynaa in togan weyn ee Dacarbudhuq la duwo oo dhaam weyn loo sameeyo oo aynu biyahaas qabsano halkaynu odhan lahayn aynu biyaha kor marno,si dadku uga faa’idaystaan.meshii ka maarmiwaydana waanu u samayn doonaa insha allaah.

Xildhibaan Baar Siciid Faarax:-Waxa jira dad soo iibsada gaadiid waaweyn oo cid ay ku xidhan yahiin oo taajiriinta waaweyn ahi aanay jirin,waana laysu ra’raa gaadiidka markaas ninkii aan garab lahayn ma helo cid gaadhigiisa u rarta markaad imika cashuurtii ku kordhisay miyaanay ku ahayn culays,tolaw kordhintana ma waxay noqonaysaa sidii labadii dolar ee bariga loo ansaxiyay ee aan dib loo arkin?

Xildhibaan Baar aad ayay u mahadsantahay,masaakiinta iyo ninka gaadhiga iibsaday waa kala gaar oo ninka gaadhiga iibsaday miskiin maaha oo gaadhi ayuu haystaa waana hanti,gaadhigiisiina wado ayuu u baahan yahay oo isaga yaa loo adeegayaa markaas ma jiro culays qayrulcaadi ah ee waa culays suurto gal ah, 15 dolar lixdii biloodba marka loo qaybiyo  waxa laga yaabaa marka uu maraayaba inay kun shilin oo Somaliland ah ay ka yartahay.waxa xusid mudan hadii wadada loo hagaajin waayo   in ay dhibi imanayso oo kun  shil wax ka badan ay sanadkii ka dhaceen,markaas  haddii wadada loo hagaajin waayo waxa iman karta inuu ku dhinto ama dhibi kaga timaado oo gaadhigu ka burburo,markaas cida maslaxada loo wado qofkii gaadhiga watay isagaa ka kaw ah,qiimahan ma badanyahay mise waa uu yar yahay anagu intan ayaanu garanay adiguna xildhibaan ayaad tahay oo xaq baad u leedahay rayigaaga golahiina waanu keenay ee waxaad doontaana ku kordhiya waxaad doontaana ka dhima.  

Xildhibaan Saleebaan Cali  Koore:-Sidee bay suurto gal ku tahay intaas oo meelood oo cashuur lagu kordhin karo iyada oo ay jirto oo ay  ka mid yahiin sigaarka,qaadka,qalabka dabka,xawaaladaha iyo war isgaadhsiintu  inaad tidhaahdo neefkii adhiga ahaa ee dibada loo dhoofinayay cashuur halagu kordhiyo?

Sideebay suurta gal u tahay gaadhigii weynaa ee dadka u shaqaynaayay ee raashinkau gudbinaayay 800 ee Km ee dalka soconaayay xagay ka timi beer tan ayaanu cashuur ugu kordhinaynaa?

Gaadiidka waaweyn iyo xoolahan aad tidhi maxaad ugu kordhiseen waxaan leeyahay gaadiidkuna waa kii wadada maraayay xoolahuna waa kuwii wadada la marinaayay,xoolaha nool wado xumada,darawal xumada iyo gaadiid xumada aan sheegay sanadkiiba waxa ku dhinta gaadiidka la gudooma ama wax ku noqda kumanaan  neef kuwaas ayaa la badbaadinayaa oo wadada loo salaxayaa.

Geesta kale, shacabka oo uu xeerkani saamayn doono, ayaa isha si weyn ugu haya bal inay golaha wakiiladu ansixiyaan sida looga bartay iyo inay ugu yaraan bal xukuumadda ku celiyaan,maadaama oo uu saamaynayo dadka danyarta ah ee xoolo dhaqatada ah.