Mucaaradka Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Isu Dheeli Tirnaanta Sarrifka Iyo Maceeshada Qaaliga Ah

0
786

Hargeysa (Geeska)-Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey dhaliilo ah  isku dheeli tirnaanta qiimaha sarifka ee jabay iyo maceeshada wali qaaliga ah, waxayna sheegeen in qorshihii iyo siyaasadii looga baahna inay ku waajahdo inay ka gaabisay.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo ka hadlay maceeshada iyo qiimaha sarifka uu yidhi “Waxay ahayd inay Dawladdu amar soo saarto oo  Bangigu is waafajiyo maceeshada iyo sarifka, maaha oo qudha inuu yidhaahdo waxaan la dagaalamaya qiimaha sarifka, waxayna ahayd inuu sidoo kale la dagaalamo qiimaha maceeshada ee qaaliga ah, waxayna ahayd inuu soo saaro digreeto uu leeyahay waa in aanay meheraduhu aanay wax ka badan ka qaadi karin inta uu sarifku marayo, waana inay wada socdaan”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Agaab Nuur, oo isna ugu horeyn ka hadlaya maceeshada yo qiimaha sarifka ayaa yidhi “Iska baaxa degaasuun weeye, wixii duruuftu keentana waa la iskala macaamilayaa, waxaana meesha ka maqan isku dheeli tirkii iyo xakamayntii qiimaha sarifka iyo qiimaha maceeshada,waana wax aad loola yaabo inay awoodii Dawladdu ay ku soo ururtay fariimahaas la dirayo oo qudha, laakiin si toos ah wax uga wada qaban lahayd qiimaha sarifka iyo maceeshada qaaliga ah, ee umaddii culayska ku haysa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here