Mucaaradka Oo Guurtida Ugu Baaqay Inay Ixtiraamaan Is-afgaradka Xisbiyada Iyo Komishanka

0
692

Hargeysa (Geeska)-Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani ayaa fariin u diray Golaha Guurtida, oo kal-fadhigoodii caadiga ahaa dib u  furmayo maanta iyadoo anjandaha kal-fadhigan lagu soo darayo muddo kordhinta Xukuumadda, si ay sharciga u waafajiyaan madaama ay Doorashadii dib u dhacday.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud iyo Afhayeenka Xisbiga Ucid Maxamed Xasan Kheyre (Shabaash), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa Golaha Guurtida uga digay inay muddo kordhin ka duwan muddo kordhintii ay ku heshiiyeen Xisbiyadu inay sameeyaan, Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud oo isagu ugu horeyn arintan ka hadlaya ayaa yidhi  “Waxa wanaagsan in wixii ay isla qaateen Xisbiyadu  la raaco oo aan waxba lagu darin, sidaas ayey wax inoogu hagaagayaan, markaas heshiiska Xisbiyada ee uu Madaxweynuhuna la qaatay inay Guurtidu ixtiraamto ayaan ku rajo weynahay, waxaana dhab ah in wakhtigaas lagu beegay Doorashada ee lagu heshiiyey in haddii ILLAAHAY yidhaahdo inay noqonayso wakhti roobaad, abaartii laga baxay, ILLAAHAY ha inooga dhigee, waxaana Guurtida fari lahaa go’aankiinu ha noqdo go’aanka Xisbiyada ee yaanu noqon go’aan ka hor yimaada Dimuqraadiyada iyo go’aan lid ku ah wixii lagu heshiiyey”.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamed Xasan Kheyre (Shabaash) oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Muddada Todobada bilood ah ee Xisbiyadu ku heshiiyey, maaha muddo iska timid, ee wada hadalo dheer kadib ayey yimaadeen, anaga oo ah Axsaabta ayaa keenay, markaas Guurtidu ha ka taxadirto, in muddo kordhinta Xisbiyada muddo kordhin ka duwan la timaado, maxa yeelay markii ay saddexda Xisbi go’aankan isla qaateen, waxa ku taageeray Komishanka iyo Madaxweynaha, markaas todobadaas bilood ayaanu raali ka wada nahay ee waxba ha ku darina”.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud iyo Afhayeenka Xisbiga Ucid Maxamed Xasan Kheyre (Shabaash), ayaa dhanka kale ka hadlay abaarta oo ay ku taliyeen in gurmad lala gaadho dadka ay abaartu hayso, iyagoo si gaar ah u sheegay in Gobolada Barri abaar aad u xumi ka jirto, dadkaasina u baahan yihiin in deg deg loogu gurmado, madaama ay noloshoodu cidhiidhi ku jirto