Marka dal uu u taliyo maamul masuul ah oo dalka danaynayaa waxa uu koriyaa mucaaradada iyo warbaahinta madaxa banaan. Warbaahinta madaqxa banaani waxa ay toosh ku iftiimisaa qabyada dalka ka jirta, lunisiga hantida umada, goobaha ay maamul xumadu ka jirto, xuquuqda aadamaha iyo xoriyaadka dadka. Waxa ay ku baraarujisaa umada danta guud, dayaca ka jira dugsiyada, baahinda bulshada maamulka xilkaska ahina waa in uu dul u yeeshaa oo ka faa’idaystaa warbaahintaa, khaladaadka ay sheegayaana uu iska saxaa. Warbaahintu ma aha in ay warar aan jirin ama been abuur ah ama qof dil ah oo aan dhab ahayn in ay tabiso, hadana musuqmaasuqa iyo maamul xumada jirta waa in ay dhab u tabiyaan. Waa in aanay marna ka habran in cidii umada danteeda guud si gaara u uga faa’idaysanaysa ay farta ku fiiqaan. Maamulka xun waxa dhiba warbaahinta madaxa banaa. Waxa raaligaliya amaanta iyo beenta, hadii la tilmaamo ama khalad jira la sheego abaabul ayuu gala, odayaal iyo awr kiraalayaal abaabulan ayaa magaala walba ka qayliya, oo cidii wax saxa tidhi maagta oo ku tilmaanta qaran dumis iyo ceebo kale oo badan, waxa aan muran ka taagnayn mudadaa 25 ka sano ee Somaliland jirtay in xoriyaadkii iyo xuquuqdii iyo warbaahintii madax banaanayd ay hoos u dhacday oo xukuumadeenu noqotay mid aad u dul qaad yar oo wax kastaa dhibayaan. Iyana waxaa is waydiin leh talow dalka ma ka jiraan xisbiyo mucaarid ah oo u heelan kuna baraarugsan danta umadu mise waxa aynu galnay marxaladii xisbiga kaliya? Midina waa iga dardaaran aan ka codsan lahaa warbaahinta guud ahaan yaanay marna u tabin kuna soo qaadin jaraa’idka iyo muuq baahiyaasha shirarka ay qolo gaar ihi soo fadhiisato ee ay halkaa ka tidhaa “hadaanu reer hebel waxa aanu garanay” dadku waa uu shiri karaan, hase ahaatee warbaahinta yaan lagu soo gudbin “hadaanu reer hebel nahay” taasi qaranimadeena ayay dhaawacaysaa aragtiday.