Mo Farah ayaa ku guulaystay bilada dahabka ee orodada 5000m ee ciyaaraha adduunka ee ka socda Beijing.
Orodyahanka Mo Faarax ayaa ku guulaystay biladii shanaad ee ciyaaraha adduunka, isagoo ku guulaystay shanta kun ee meter iyo tobanka kun ee meter.
Faarax ayaa ku guulaystay 5,000m iyo 10,000m ciyaarihii Olombiga ee 2012 iyo ciyaaraha adduunka ee 2013.
Orodyahan Mo Farah ayaa wali sii wata guulihiisa is daba-jooga, kaas oo sanadihii 2012 ee Tartankii Olimbikada iyo Tartankii ciyaaraha fudud ee Moscow ka dhacay sanadkii 2013 ku guuleystay labo biladood.
Mo Farah waxa markii hore shaki la gelinayay sida uu tartanka 5000 mitir ugu guulaysan karo, maadaama xafiiltan aad u adag uu kala dhaxeeyay orodyahano u dhashay dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Orodyahanka u dhashay Kenya Caleb Ndiku ayaa tartankii ciyaarihii Commonwealth ku guuleystay orodka 5000 mitir, iyadoo Ndiku uu hogaanka qabtay wareegii labaad ee tartanka, waxaase dhacday in Mo Farah uu la soo baxay tallaabadiisa dheereeyd, iyadoo wareegii ugu dambeeyay uu ka hor maray. Hambalyo ayaanu leenahay Mo Faarax oo u dhashay asal ahaan Somaliland.