Warbaahinta Shu’uun Khaliijiyah haka dayso Somaliland dacaayadda
Toddobaadkan, warbaahinta Carbeed ee lagu magacaabo Shu’uun Khaliijiyah oo ah wargeys maalinle ah oo Internetka lagu baahiyo, kana hadla arrimaha wadamada Khaliijka, ayaa lagu faafiyay warbixin dheer oo lagu sheegay in dawladda Imaaraadka Carabtu saanad culus oo milatari soo gaadhsiisay Jamhuuriyadda Somaliland.
Shu’uun Khaliijiyah wuxuu warbixintiisa ku sheegay in Imaaraadka Carabtu Somaliland soo gaadhsiiyay boqolaal qalab milatari ah oo isugu jira gawaadhiga gaashaaman, gawaadhida qaada ciidamada, mootooyin iyo qalab kale oo uu ka muuqdo calanka Imaaraadka Carabtu. Waxaanu raaciyay warbixinta sawiro been abuur ah. Inkastoo ay shabakadu soo xigatay hadalada masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo warkan beeninaya haddana halkaas kuma joogin ee waxay ku sii adkaysatay jiritaanka warka. Haddaba, warkan oo gebi ahaanba ah mid been abuur ah islamarkaana uu qoray qof u muuqda inuu gobalka ku suganyahay oo ka soo horjeeda qaddiyadda Somaliland, ayaa waxa ujeedada u weyni tahay dacaayad iyo in la burburiyo xidhiidhka bilowga ah ee Imaaraadka Carabta iyo Somaliland islamarkaana la dacaayadeeyo Imaaraadka Carabta.
Waxase ayaan darro ah in dad Somaliland ka soo horjeeda oo horeba ugu mashquulsanaa kala fogaynta Somaliland iyo wadamada Khaliijku ay dhex maraan warbaahinta Carabta iyagoo ku fushanaya danahooda gaarka ah ee siyaasadeed islamarkaana ay warbaahinta Carabta oo aan ka fiirsanin ay iska baahiso warar ku tidhi ku teen ah oo ay maclameen kuwa aanu u naqaano cadowga Somaliland. Sawirada ay warbaahintani raacisay warbixinteeda ayaa ka marag kacaya in warkani been yahay. Tusaale ahaan sawirada warbixinta la socda waxa ka mid ah deeqdii milatari ee uu dalka Imaaraadka Carabtu dhawaan gaadhsiiyay dawladda Somaliya, waxa kale oo iyaguna sawirada la socda masuuliyiin reer Somaliland oo taagan markab dagaal oo uu Ingiriisku leeyahay oo ciidamo tababar dhammaystay xaflad loogu qabtay. Waxaana dhammaan sawiradan iyo kuwo kale oo la soo ururiyayba laga dhigay deeq uu Imaaradku Carabtu hadda soo gaadhsiiyay Somaliland, iyadoo aanay warbaahinta Carabtu gebi ahaanba soo hadal qaadin deeqdaas culus ee hore loo gaadhsiiyay dawladda Xasan Sheekh iyo weliba maamulka Juballand ee Imaaraadka Carabta. Haddaba, Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu baaqaynaa warbaahinta Shu’uun Khaliijiyah oo ah warbaahin magac leh inay warkaas ka bixiso raaligelin islamarkaana ay xidhiidhka u jarto cidda u soo tabisay sheekada been abuurka ah. Haddii aanay sidaas yeelina waxa hubanti ah in hoos dhac weyni ku imanayo kalsoonidii lagu qabay xogaha ay faafiso iyo magaca miisaanke leh ee ay sidato islamarkaana ay shacabka reer Somaliland u arki doonaan warbaahin ka soo horjeeda aayo ka tashigooda iyo horumarka ay gaadheen.
Shacabka reer Somalilandna waxa la gudboon inay indho feejigan ku hayaan tab iyo xeelad kasta oo lagu waxyeelaynayo danaha dalkooda oo aanay indhahooda iyo dhegahooda ku mashquulin gondahooda