W/Q; Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilaahi Gadhle)
Waa markale iyo taxaneheenii oo aynu ku soo bandhigi doono dhibaatada xaga sharciga ee haystata mabacada qaranka oo sabab u ah in la kala qaybsado shaqooyinkeedii aasaasiga ahaa oo haayado kale ku shaqaystaan iyo sida maamulkeedu aanu ugu baraarug sanayn in wax ka maqan yihiin arintaas oo shaki galinaysa mustaqbalkii madbacada iyo baahidii loo abuurayba, arintan oo dhinaca kalena hadal haynteedu ku badatay goobaha bulshadu ku kulanto runtiina aan jeclaystay inaan umada dareensiiyo sida hayadihii ku suntanaa magaca qaranka ee ahaa xabagta isku haysa midnimadooda halkii laga kobcin lahaa si fudud loo wiiqayo, hadaba akhristayaa aan si guud idiinku dul maro mar xaladihii qaran dhiskeenu soo maray anoo uga jeeda inaan hoga tusaaleeyo isla markaana tilmaamo sida maamulka ka jira madbacadu u nasiib badan yahay waayo wuxuu ku beegmay wakhtigii horumarka iyo sida uu hadana u luminayo fursadaha dahabiga ah ee wakhtigu ku simay, akhristayaal sida aynu lawada socono waxa wadanka soo maray afar madaxweyne, Alle haw naxariistee C.raxmaan Axmed Cali oo ku guulaystay dib u xorayntii dalka wuxuu ku soo beegmay laba sano oo dalku siyaasad ahaan iyo miateri ahaan aanuu deganayn waxaanu 1993 kii oo ahayd dhamaadkii mudo xileedkiisa uu si nabada xukunkii ugu wareeejiyay Alle haw naxariistee madaxweynihii labaad marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo dhibaatooyin badan oo ka hor yimi ka dib ku guulaystay dhismaha iyo yagleelida hayado qaran (National Institutions) oo ka turjumaya is ogolaanshaha iyo wax wada lahaanshaha bulsho waynta somaliland waxa ku timi geeri waxaana si nabada xukunkii loogu dhaariyay Madaxweyne ku xigeenkiisii Daahir Rayaale Kaahin oo halkii ka sii ambo qaaday geedi socodkii dhismaha qaranka, wuxuu qabtay doorashooyin si dunidu loogu cadeeyo inaynu nahay umad u qalanta aayo ka tashigooda (Self determination), iyo inaynu nahay umad karti u ay isku maamushaan leh, kadib 8 sano oo uu wadanka hogaaminayay waxa doorashooyinkii dhacay 26 June 2010 taladii dalka si aqlabiyada ugaga guulaystay Madaxweynaha imika jooga mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo oo taagarada ugu badan ku helay inuu dalka horumar iyo isbadal (Change) muuqda ku samaynayo, hadaba anoo madaxweynaha ugu mahad naqaya in meelo badan wax wayn laga qabtay oo masuuliyiintii loo dhiibay ay gaadhsiiyeen horumar muuqda kuna amaanan yihiin ayaa dhinaca kale waxaan madaxweyne jecelahay inaan ku xasuusiyo in maamulka sadexdii sano ee ugu danbaysay ka jiray madbacada qaranku aanuu ka faaidaysan hamiga kugu jira ee ah inaad beri umadaada uga tagto dhaxal fiican oo ah haayado qaran oo ka qurux badan kuwii aad shalay dhaxashay, waxaan madaxweyne jecelahay inaad ogaato in maamulka ka jira madbacada qaranku uu soo ururiyay shaqadii madbacada isagoo sabab u noqday in laga wareejiyo daabacaadii liisamada oo kamid ahayd shaqooyinkii madbacadu qaban jirtay halkii laga filayay in maamulku ka hawl galo dib u soo celinta shaqooyinkeedii hore looga qaaday sida samaynta shahaadooyinkii dugsiyada dhexe, dugsiyada sare iyo dugsiyada farsamada qacanta oo xafiiska imtixaanaadku daabaco iyagoo halkii shahaado ku daabaca $6, taasoo sanad kastana marka lagu dhufto kumanaanka arday ee dhamaysta wax barashada dugsiyada dhexe, dugsiyada sare iyo dugsiyada farsamadda qacanta ay ka soo xarooto maaliyad badan oo madbacada wax wayn u tari lahayd, halka imika lacagtaasi ku dhacdo jeeb huwan magic qaran taasoo dunida aanay ka dhicin maadaama shahaadooyinku ku jiraan dabacaadaha loo yaqaano xaasaasiga (Sensitive Printing) in xafiiska imtixaanaadka qaranku daabaco oo isagu shaqadii madbacada qaato may ahayn balse waxay ahayd in samaynta imtixaanada iyo sixitaankooda ay ku koobnaadaan, iyadoo cidii shaqadaa lahayd waa madbacada qarankee la daciifinayo laguna eedaynayo inaan lagu aaminayn maadaama laga arki waayay horumar iyo maamul wanaag lagu soo hirto oo hanan kara waajibaadkeedii rasmiga ahaa taasoo wax jawaaba aanay madbacadu ka bixin aamuskooduna uu madbacada ka dhigayo cad bisil oo maalinba ninkii doonaa si fudud u cantuugayo
Arintan liisamadu waxay waji gabax ku tahay maamulka madbacada,waayo marka aad eegto sababaha ugu waawayn ee loo daliishaday in laga wareejiyo liisamada waxa ka mida in la casriyaynayo madbacaduna aanay aqoon ahaan karti ku filan u lahayn casriyaynta maadaama aan wax tababaraba la siin shaqaalha isla markaana aanay la jaanqaadi karayn tignoolajiyada cusub maadaama ay wali taagan tahay nidaamkii duuga ahaa (Old Manual Version)..
Horaa Soomaalidu ugu maahmaahday ishiisa laga arkaa u shiisa lala dhacaa, arintani ma cusba oo hora ayaa madabacada laysugu dayay in liisamada laga wareejiyo wakhtigii udub xukunka dalka haysay balse maamulkii madbacada xiligaa ka jiray oo madaxweynihii wakhtigaa ee daahir rayaalena ku qanciyay ayaa loo mari waayay halka maanta maamulka ka jira madbacada lagu bajiyo hadii aanad muraadkayaga noo fulin madaxweynaha ayaanu arintan gaadhsiinaynaa waayo waxa la arkay in maamulka sare ee madbacadu aanu xidhiidh fiican la lahayn madaxweynaha kuna jiro dhuumasho dhabarku muuqdo taasoo aan dani ugu jirin masiirka haayadan oo halbawle u ah dakhliga dawladu hesho maadaama lagu daabaco warqadaha lacag qabashada qaranka (General Reciept), akhrista malagayaabaa inaynu maalinta danbe maqalno iyadoo loogu yimi waraaqihii lacag qabashada oo shirkad gaar loo leeyahay lagu wareejinayo, runtii ma baciidsan karno hadii arintu sidan ku sii socoto oo aan si degdega loo curin sharcigii madbacadu ku shaqayn lahayd oo ah hawl sugaysa oo laga rabo maamulka sare ee madbacada oo aan ilaa imika lagaranayn shaqada ka wayn ee sadexdii sano ee ay xilka hayeen ka mashquulisay, abaabulkeedii iyo hindiseheediina aanu ka muuqan.
Hababa waxaan jecelahay inaan fariin u diro garyaqaanka guud ee dawlada fariintaas oo ah in madbacada qaranku qarka u saarantahay in muran lagaliyo jiritaankeedii maadaama shaqonoyinkeedii aasaasiga ahaa sida aan xaga sare ku soo xusay haayado kale sifo aan sharci ahayn ugu shaqaystaan iyadooy nasiibdaro tahay in cidii wax ka maqnaayeen waa madbacadee aan maamulkii ka jiray wax hadala laga hayn taasoo lidi ku ah kana hor imanaysa u jeedadii loo unkay madbacada qaranka. Dhinaca kale waxaan fariin labaad u dirayaa hanti dhawraha guud ee qaranka iyo haayada maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa oo aan leeyahay waxa dayacan wixii aad u dhaarateen umaduna waxay jeclaan lahayd inaad booqataan madbacada qaranka oo aad indhihiina ku soo aragtaan maamul xumadda iyo qorshe la’aantu siday u niyad jabiyeen shaqaalihii oo maamulkoodii ka arki waayay wax hindise horumarineeda oo rajo ku abuura, waxaad arki doontaan shaqaale sadexdii sano ee u danbaysay aan helin xuquuqdii ay u lahaayeen inay helaan tobabaro maadaama daabacaadu u baahantahay aqoon iyo cilmi la xidhiidha tignoolajiyada oo ah waxaa maalin walba isbadalaysa (Dynamic Technology) ,waxaad arki doontaan meel aan lahayn nidaam Maaliyadeed (Financial Procedure) oo leh xisaab xidh sugan oo xalaala, waxaad arki doontaan meel aan lahayn hantidhawre gudaha ah oo dusha kala socda isla markaana hubiya sida loo maamulayo dakhliga ka soo hoyda wax-soosaarka buugaagta gaar ahaan kuwa loo sameeyo hayadaha caalamiga ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahayba oo dalabkoodu aanuu soo marin hanti dhawraha guud ee qaranka isla markaana aan la galin buuga tixraaca nambarada ee yaala madbacada iyadoo u jeedadu tahay inaan la helin wax raad raaca oo sheegaya tirada buugaagta ah ee loo sameeyay shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hayadaha caalamiga ah taasoo caday idiinku filnaan doonta heerka musuq maasuqu ka gaadhay madbacada iyo sida mad madawga badani ka muuqdo ee loo maamulo. La Soco