Midowga Yurub Oo Joojiyey Malaayiin Doollar Oo Uu Itoobiya KU Taageeri Jiray

0
602

Addis Ababa (Geeska) – Midowga Yurub ayaa waxay hakiyeen in ka badan 100 milyan oo doolar oo gargaar ahaan loo siin lahaa Itoobiya tan iyo inta hay’adaha gargaarka loo ogolaanayo inay galaan gobolka Tigrey si dadka halkaasi loo gargaaro.

Wadamada Midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in walaac xooggan ay ka qabaan wararka sheegaya in dilal lala bartilmaameedsanayo qowmiyado gaar ah iyo waliba suurtagalnimada in dambiyo dagaal ay ka dhaceen gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya.

Militariga Itoobiya ayaa waxay duullaan ku qaadeen bishii November gobolka Tigrey ka dib markii ay xoogagga TPLF weerareen saldhig milatari oo ku yaalla gobolkaasi.

Dowladda fedaraalka Itoobiya ayaa isla dabayaaqadii bishaasi waxay ku dhawaaqday in howlgalkii ay qaaday uu guuleystay, balse midowga Yurub ayaa dhankooda sheegaya in xaaladu ay wali tahay mid halis ah.

Dagaalkan ayaa waxaa uu halis galinyaa xasiloonida guud ahaan gobolka, ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Midowga Yurub.

Dowladda rai’sul wasaare Abiy Ahmed ayaa dhankeeda ku adkeysanaysa inay isticmaashay awoodd xaddidan oo lagu sugayay amniga islamarkana caddaaladaa lagu hor keenayo”koox daambiilayaal ah”.

Tan iyo dabayaaqadii bishii November waxaa militariga Itoobiya ay howlgal ay ku baacsanayaan saraakiishii TPLF ay ka wadeen gobolka Tigrey.

“Xaaladda goobtaasi ka taagan waa ay dhaaftay howlgal ‘amarka iyo kala dambeynta lagu soo celinayo,” waxaa sidaasi bayaan uu soo saaray ku sheegay madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell .

“Waxaan heleynaa warbixinno isdaba joog ah oo ku saabsan oo muujinaya in qowmiyad si gaar ah loo bartilmaameedsanayo, dilal, dhac baahsan, qaxooti si xoog ah dib loogu celinayo Eritrea iyo waliba suurtagalnimada dambiyo dagaal ,” ayuu yidhi Borrell.

Madaxa arrimaha dibadda ee midowga Yurub Josep Borrell ayaa intaa ku daray in 2 milyan oo qof oo ka qaxay dagaalka gobolka Tigrey ay si aad ah ugu baahan yihiin gargaar, balse galidda gobolkaasi ay wali tahay mid xaddidan.

Qowmiyadda Tigrey ayaa dalkaasi Itoobiya ka ah 6% ka mid ah in ka badan 110 milyan oo dalkasi guud ahaan ku nool.

Maxaa dhaliyay khilaafka?

Guddiga fulinta ee deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa bishii September sheegay in go’aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasha ka dhacda deegaankaasi uu ula mid yahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega.

“Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd, halka la rabay in lagu dhiirrigeliyo in la carqaladeeyo doorashadooda waa mid lid ku ah geeddi socodka dimuqraadiyadda” ayaa war-murtiyeedka lagu yidhi.

Hase yeeshee golaha ayaa go’aamiyay in dowladda ay maamulka sii heyso muddo aan la cayimin, iyagoo amar ku bixiyay in doorashada dib loo dhigo sababo la xidhiidhka Fayraska corona.

Arrintaas ayaa horseedday xiisad weyn oo ka dhex billaabatay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed iyo siyaasiyiinta gobolka Tigray.

Gobolka Tirgay ayaa lagaga dhawaaqay in doorashadiisa aan dib looga dhigi doonin waqtigii sharciga ahaa, taasoo horseedday ismariwaa baaxad leh.

Maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanayay Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba.

Doorashada guud ee Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xidhiidha cudurka safmarka ee Coronavirus, iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen in doorashada dib loo dhigo 9 bilood ilaa sanad.

Xiisadda taagan waxay sare u qaadday cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya.

Siyaasiyiinta TPLF waxay mar walba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin sidii uu gobolkaas – oo xad la wadaaga Eretariya – uu uga sii mid ahaan lahaa Itoobiya. Laakiin waxay hoosta ka xariiqeen in ay difaacan doonaan waxa ay ugu yeedheen “ismaamulka iyaga u gaarka ah”.

TPLF waxay horraan dowladda dhexe ugu eedeysay inay waddo qorsheyaal ay kusoo weerareyso gobolka.

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sanadkii 2018-kii.

 

Geeska.net/Hargeisa Office