Mid Ka Mid Ah Wakaaladaha Wararka Ee Adduunka Ugu Caansan Oo War-bixin Ku Sheegtay In Aanay Suurto-gal Ahayn inay Dib U Midoobaan Somaliland Iyo Soomaaliya

0
893

AFP Waxay sheegtay in Dadka Somaliland boqolkiiba Inta badan Yihiin Dhallinyaro Dhashay wixii ka dambeeyay 1990-kii

Hargeysa (Geeska) – Wakaaladda Wararka ee AFP, ayaa war-bixin mug leh ka qortay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca nolosha dadka, dedaallada dhinaca waxbarashada, kobcinta dhaqaalaha, doorashooyinka iyo qadiyadda Ictiraaf-raadinta.

AFP, ayaa diiradda saaray Ardayda Reer Somaliland ee Jaamacadaha ka qalin-jebiyey, mooraalkooda dal-jacayl iyo fursadaha shaqo ee aadka u yar.

Wakaaladdu waxay sheegtay in Somaliland ay ku faanayso Dawladnimadeeda, inkasta oo aqoonsi la’aantu door weyn ku leedahay saboolnimada ka jirta, haddana taasi aanay ka hor joogsan dedaalkeeda dhinacyada badan leh.

AFP oo sawir ka bixinaya Arday ka qalin-jebiyey Jaamacadaha dalka oo Maalinta Farxaddooda Sawirro iska qaadayey ayaa qoray “Ardaydan ayaan dhalan markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, taasi oo aan weli  beesha caalamku aqoonsan” ayay qortay AFP, waxaanu intaa sii raaciyey “Somaliland, ictiraaf la’aanta ayaa ka dhigtay dal Sabool ah, ictiraaf la’aantu waxay sii adkeysay nolosha mid ka mid ah gobollada ugu saboolsan adduunka..”

Wakaaladda ayaa sheegtay in Masuuliyiinta Somaliland u sheegeen in aqoonsi la’aantu sabab u tahay in Somaliland lacago deyn ah ka hesho Dawladaha Caalamka.

AFP wuxuu War-bixinta ku sheegay in  “Dadka reer Somaliland ee tiradoodu ka badan tahay 4.5 milyan ma sahlana inay safraan, maadaama baasaboorkooda aan si weyn loo aqbalin. Dhallinyarada oo bulshada ka ah saddex meelood laba  shaqooyinku way ku yar yihiin”

“Baahida shaqadu way jirtaa, laakiin ma jiraan wax fursado ah,” ayuu yidhi Siciid Salaad Axmed, oo ah 26 jir ka qalin jabiyay Jaamacadda Hargeysa, waxaanu intaa ku daray oo uu muujiyey sida ay shaqo iyo shaqo la’aanba ugu qanacsan yihiin dalkooda Somaliland “Weli waxaanu qabnaa rejo, waxaanu sii wadi doonnaa inaan noqono waddan wanaagsan, xitaa haddii shaqo la’aanta ay dhibaato tahay.”

AFP wuxuu sheegay oo kale in “Muddo 30 sano ah, Somaliland waxay isku dayday inay ku guulaysato inay ku qanciso adduunka dacwadeeda dawladnimo, qabashada doorashooyin dimuqraadi ah iyo inay ka fogaato fowdada ku habsatay Dalka Soomaaliya.”

War-bixinta waxa kale oo lagu sheegay “Taiwan oo Keliya ayaa u fidisay aqoonsi rasmi ah Somaliland, in kasta oo dhawr dal oo Afrikaan iyo Yurub ahi ay xafiisyo diblomaasiyadeed ka furteen Hargeysa.”

AFP waxa kale oo uu war-bixintiisa Sawir kaga bixiyey Taallada Daljirka Dahsoon ama diyaaradda Saaran badhtmaha Hargeysa, waxaanu qoray “Dhallinyarada ayaa Sawirro iskaga qaada Taallada diyaaradda oo markhaati u ah halgankii gobannimada. Xuduudda lagu muransan yahay ee ay la wadaagto Soomaaliya, iyo soohdimaha ay la wadaagto Jabuuti iyo Itoobiya, ciidamada qaranku way ilaaliyaan. Ilaalada xeebaha ayaa gaafwareega biyaha ka baxsan gacanka Cadmeed, iyagoo maraya marinnada maraakiibta ee caalamka oo mashquul ah. Somaliland Waxay doorataa hoggaamiyeyaal u gaar ah, oo ku xukuma dastuur ay maxkamaduhu hubiyaan..”

Waxa kale oo uu qoray “Somaliland waxay saxday su’aal kasta oo beesha caalamku ka weydiisay inay noqoto dal la aqoonsan yahay. Laakiin Inta badan dadka reer Somaliland waxay ka yar yihiin 30 jir waligoodna ma ayna aqoon wax aan ahayn Somaliland, taasoo ka dhigaysa fursad kasta oo dib ula midoobidda Soomaaliya mid aan la malayn karin.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office