“Meel Soke Ayay Dadku Eegayaane, Dalkan Dhan Iyo Dadka Ayaa Rahman”

0
608

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Warfaafinta ee XIsbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe ayaa sheegay in muddo kordhintii Xukuumadda ee labada sanno ahaa in ujeedada loogu kordhiyey ahayd inay ku qaban qaabiso, isla markaana ku diyaariso sidii ay Doorashadu u dhici lahayd, balse ay ku mashquushay hanta boob iyo inay wareejiso hantiidii qaranka.

Xoghayaha Warfaafinta ee XIsbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Mushkiladu Haamo Shidaal maaha, mushkiladu Madaar maaha, mushiladu maaha Buurta Gacan Libaax,mushiladu maaha Warshada Laydhka Hageysa, mushiladu maaha Warshada Laydhka ee Berbera, meel soke ayey dadku eegayaan,dalkan iyo dadkan ayaa rahman, Xukuumadda Maanta jirta waxa la yidhi laba sanno ayaa la idiin kordhiyey,si ay Doorashadu u qabsoonto,  waxa ay ahayd inay ka taliso duruuftii ay Doorashadu ku qabsoomayso, waxaad arkaysaa inay aanay diyaar u ahayn, waxa ay ahayd inay gufayso galdalooliyinkeedii hore, waxa ay ahayd inay khaladaad dambe iska ilaaliso, waxa ay ictiraaf raadintii ku soo ururtay dilaalin Dubai iyo Abu Dhabi, inay kolba halkan mid keenaan, oo ay yidhaahdaan waxa ayuu sameeynaynaa,  Shalay waxa ay tageen Buurta Gacan Libaax, sheekadu haamaha maaha, dadku dareenkooda sare ha u qadan, oo ha ogaadaan in duulan lagu yahay hantidooda”.

Boobe Yuusuf Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Kontiinaradii  lacag baa lagu kordhiyey, Noloshu lacag maaha, Haamihii baa la iibinayaa, Warshadihii Laydhka waa la wareejiyey, wixii la soo hadal qaada waa lacag, ee dalkii waxa xukuma oo boobaya dad indhaha dalqada ku leh”