Mayarka Gebilay Oo Hambalyo U Diray Ciyaartoyda Kubada Cagta Gobollka Gebilay

0
628

Hargeysa(Geeska)-Maayarka Magaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse, ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray ciyaartoyda kubada cagta ee xulka Gobollka Gebilay, ka dib markii ay maalintii shalay ka guuleysteen xulka Gobollka Sool.

Xulka Gobollka Gebilay ayaa u gudbay wareega sideed dhamaadka (Quarter Final) tartanka kubada cagta ciyaaraha Gobollada Somaliland, iyagoo kaalinta koowaad kaga soo baxay Group C oo ahaa Group-kii ugu adkaa, halka uu isna kaalinta labaad kaga soo baxay xulka Gobollka Awdal. Mayarka magaalada Gebilay Shucayb Maxamed oo goob-joog ahaa kulamadii uu Gobollkiisu ciyaarayay, ayaa sheegay inuu sannadkan rajaynayo in ciyaartoyga Gebilay ay guulahooda sii wadan doonaan, una qalmaan inay ku guuleystaan koobka “Anoo ku faraxsan inaanu Group-kii ugu adkaa aanu kaalinta koowaad kaga soo baxno, soona bandhignay ciyaar aad u qurux baddan, taas oo aan odhan karo waxa ay ciyaartoydu muujiyeen awoodooda ciyaareed, waxaanan leeyahay guud ahaanba ciyaartoyda iyo maamulkoodaba Hambalyo, dedaalkiinana sii xoojiya, waxaanan Insha Allah idiin rajaynayaa inaad ku guuleysataan koobka”

Dhanka kale, waxa uu Maayarku xusay in ka Gole Deegaan ahaan ay qorshaha ugu jirto inay waxyaabo baddan ka qabtaan baahida aasaasiga ee dhalin-yarada, gaar ahaan dhanka ciyaaraha isagoo sidoo kale tilmaamay inay ku dedaali doonaan inay dhalinyarada Gebilay ay ka garab istaagi doonaan wax kasta oo ay awoodaan oo ku saabsan horu-marintooda iyo dheeri-gelintooda. Ugu dambayntii waxa uu Mayar Shucayb dhalinyarada reer Gabilay ugu baaqay inay ka taxadiraan aafada baahsan ee Tahriibta.