Hargeysa (Geeska) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xoriyaddoodii u soo celisay shan dhalinyaro ah oo muddo 45 Maalmood ah xarunta dambi-baadhista ee CID-da ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo ku eedaysnaa inay Hargeysa ku bixinayeen baasaaboorka Soomaaliya oo Somaliland laga Mabnuucay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal Maxamed Cabdilaahi, ayaa go’aan uu soo saaray doraad, waxa uu taliyaha Ciidamada Dambi-baadhista ku amray inay siidaayaan shanta dhalinyarada ah oo xidhnaa muddo 45 Maalmood.
Go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo nuqul ka mid ahw warbaahintu baahisay ayaa u qornaa sidan:-
Ku: Taliyaha Qaybta Baadhista Danbiyadda C.I.D
Ujeedo:- Amar sii dayn Eedaysanayaal
Maxkamadda Gobolka M/jeex Hargeysa waxay idinku Amraysaa in aad sii daysaan eedaysanayaasha magacyadoodu kala yihiin:-
1. Hinda Nuur Cige ina khadra C/laahi L/28 jir
2. Maxamed Nuur Cumar Ina Caasha X Daahir L/26 jir
3. Khaalid Maxamed Nuur Ina Tiriig Cabdi L/25 jir
4. Mahad Ismaaciil Cabdi Ina Caasha Maxamuud L/23 jir
5. Barkhad Sh Xuseen Barkhad Ina Khadra Xuseen L/29 jir
Kuwaas oo ku Eedaysan Qoddobka 372,370,3666,XCG
Ka dib markii ay Maxkamadu xorriyadoodii u celisay isla maanta 17/11/2013, maadaama ay wax danbi ah ku cadaan waayeen.
Sidaa darteed waxay Maxkamadda Gobolka M/Jeex Hargeysa idinku amraysaa inaad sii daysaan eedaysanayaasha magacyadoodu sare ku xusan yihiin isla maanta oo ay bishu tahay 16/11/2013
Wa Bilaahi Tawfiiq
Faysal C/laahi Ismaaciil
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka M/Jeex
Amarka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku sii daayey shantan dhalinyarada ah ayaa timid, ka dib markii xeer ilaalintu wax caddayn ah u keeni wayday dambiga loo haystay.