Maxkamadda Sare Ee Maraykanka Oo Laashay Rafcaan Uu Cali-Samatar Ka Qaatay Xukunkii Hore Ugu Dhacay

0
498

Picture2Washington(Geeska)-Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa diiday rafcaan uu Maxamed Cali Samatar ka qaatay xukun ay maxkamad Maraykan ahi hore ugu riday oo ahaa inuu masuul ka ahaa xasuuqii foosha xumaa ee ay dawladii Siyaad Barre u gaysatay shacabka reer Somaliland.

Maxkamad Maraykan ah ayaa hore ugu xukuntay Mr. Cali Samatar inuu bixiyo 21 Milyan oo Dollar oo isugu jiray khasiradaad maxkamadeed, beeno badan oo uu sheegay iyo magdhawga dambiyadii uu gaystay. Dacwadda waxa Cali Samatar ku oogay muwaadiniin reer Somaliland, kuwaas oo ay dawladii Maxamed Siyaad Barre dhibaato gaadhsiisay qoysaskooda iyo weliba qoysas kale oo reer Somaliland ah. Wakaaladda wararka ee AP ayaa shalay baahisay inay maxkamadda sare ee Maraykanku diiday codsigaas Cali Samatar ee ahaa inay maxkamadda sare dib u eegto xukunka lagu riday.

Maxamed Cali Samatar ayaa ahaa madaxweyne-xigeen iyo wasiirkii gaashaandhiga wakhtigii xasuuqii ugu ba’naa lagu hayay shacabka reer Somalialnd, waxaanu BBC-da 1988 ka qirtay inuu isagu bixiyay amarkii lagu duqeeyay ee lagu burburiyay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, kaas oo lagu xasuauqay shacab badan oo reer Somaliland ah oo aan waxba galabsan.