Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa mudaysay wakhtiga la bilaabayo xaraashka dhismaha xawaaladii Qaran Express oo ah dhisme fooq ah oo ku yaala badhtamah amagaalada Hargeysa.
Qoraal Naadin Xaaraash ah oo uu soo saaray guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Maroodi Jeex Md. Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa wuxuu u qornaa sidan “Maxakamada gobolka M/jeex Hargeysa waxay naadinaysaa Si waafaqsan Qod.398. 401. XHM xaraashka fooqa xawaalada kacaday Ex Qaran Express eek u yaala badhtamaha suuqa Caasimada hargeysa kasoo horjeedka xarunta guud ee dahabshiil fooqana ay jihooyinkiisu kala yihiin sidan
Bari……………… Waddo
Galbeed………. Dhisme
Waqooyi……… Waddo
Koonfur………. Dhisme dayrka laynka booliska
Sidaas awgeed Cidii danaynaysa naadada arashka fooqan oo si aam ah u bilaami doonta 05/05/2016 waa uu furan dhamaan cidii danaynaysa inay iibsato oo ah muwaadin somlilander ah haku sugnaato dalka gudahiisa iyo dibadiisabe
Hadaba waxa uu ka dhici doona fadhiga Xaraashka ee fooqani xafiiska Gudoomiyaha Maxakamada gobolka M/jeex hortiisa maalinta ay taariikhdu tahay 05/05/2016 oo ah maalin khamiisa 09:00Am
FG hadaba cidii danaynaysa naadada xaraashka waa inay soo gudbiyaan arjigooda dalabka ah keenaana Maxakamada Muadadas ka horaysa fadhiga xaraashka
Waxa lagala soo xidhiidhi karaa waxii faahfahina ee quseeya xaraashakan k/sare ee Maxakamada gobolka Miss Warda Maxamed Cilmi Tel 063-4417943
Kaaliyaha Gudoomiyha Maxakamada Gobolka M/Jeex Sh.Maxamed Ciise Maxamed Tel 4105466.”