USA Minneapolis(Geeska) Maxkamad federaal ah oo ku taalla wadanka maraykanka magaalada Minneapolis ayaa Nin somali ah ku xukuntay 28 sano oo xabsi.
Abdiaziz Farah, oo ahaa mid ka mid ah eedeysanayaasha ugu weyn ee kiiska musuqmaasuqa baahsan ee la xidhiidha barnaamijka raashiin qeybin ee Feeding Our Future.
Abdiaziz Farah ayaa lagu helay 23 dacwadood oo ay ka mid yihiin xatooyo, lacag maydhis, iyo laaluush lagu bixiyay barnaamijyo federaal ah, lacagtuna waxay gaadheysay in ka badan $40 milyan, sida ay sheegtay maxkamaddu.
Garsoore Nancy Brasel ayaa sheegtay in aanay jirin sabab cad oo lagu micnayn karo ficillada Farah marka laga reebo “hunguri aan xad lahayn ahyn.”
Dacwad-oogayaasha ayaa tilmaamay in Farah uu ka mid ahaa hormuudka tuugo musuqday lacag gaadheysa $300 milyan, taasoo ahayd mid loogu talagalay in lagu caawiyo carruurta danyarta ah ee uu saameeyay cudurka COVID-19.
Farah, oo lagu eedeeyay inuu lacago badan u diray Kenya iyo meelo kale, ayaa sidoo kale qirtay inuu isku dayay in uu laaluusho xubin ka tirsan gudiga garsoorayaasha intii lagu guda jiray dhageysiga dacwadiisa.
Kiiskan ayaa ka mid noqday fadeexadaha dhaqaale ee ugu waaweyn ee abid ka dhacda gobolka Minnesota.
Mas’uuliyiinta xeer-ilaalinta ayaa sheegay in xukunkan uu u sahli doono dowladda federaalka inay hantida Farah la wareegto si dib loogu celiyo shacabka laga xaday.