Maxay Dawladda Qatar U Maalgelisaa Waxbarashada?

0
681

2

Dalka Qatar ayaa lacag badan geliya waxbarashada iyo horumarinteeda.

Hadafka in qof walba uu helo waxbarasho dugsiga hoose, balanqaad la jabiyay sanooyin badan, waa lagu guulaysan karaa toddobada sanno ee soo socota ayay sheegtay Sheikha Moza bint Nasser.

Sheikha oo ka tirsan reerka boqorka Qadar, una ololaysa waxbarashada ayaa doonaysa in caalamka uu waxbarasho siiyo 58 milyan oo carruur adduunka oo waxbarasho la'aan ah.

Hogaamiyayaasha caalamka ayaa balanqaaday in la gaadhi doono 2015 waxbarsho dugsi hoose inay carruurta helaan. Laakiin waa la hubaa inaan la gaareen.

Hiigsashada ayaa dib loogu dhigay in la gaadho 2030. Laakiin Sheikha Moza, oo ah hooyada boqorka Qadar ayaa sheegtay in la gaari karo waqtigaas ka hor.

"Waa la gaadhi karaa. laakiin waxaan u baahanahay dadka inay xooga saaraan, waxaan u baahanahay siyaasiyiinta inay fahmaan awoodda waxbarashada ay u leedahay waddankooda, dhaqaalahooda, waa muhiim".

Laakiin siday u suurto galaysaa?

Sheikha Moza waxay kursi ku leedahay gudiga waxbarashada ee Qaramada Midoobay.

Waxay bilawday olole lagu magacaabo Education Above All, taasoo doonaysa in 10 milyan oo arday ay iskuul aadaan iyadoo ay ku baxayso $1bilyan oo saddex meelood meel ay ka imaanayso Qadar.

Laakiin maxay waxbarashada u tahay wax ay jecel yihiin dalka Qadar? Qadar ayaa maalgalisa mashruucyo badan in kabadan 30 waddan. Badanaa meelo aanay  ku lahayn istaraatiijiyad.

kala badh lacagta gargaarka ee waddanka uu bixiyo waxay ku baxdaa waxbarashada, taasoo ah tan ugu badan caalamka.

Qadar markii ay bilawday inay xoojiso waxbarashada, waxay u baahnayd inay qorshayso markii uu shidaalka dhamaado. Taas micnaheedu wuxuu yahay in la sameeyo hab waxbarasho oo taageerta dhaqaale ku dhisan cilmi casri ah oo kala duwan.

"Qorshahaygu wuxuu ahaa in loo dhiso kaabayaal adag cilmi baarista iyo horumarinta. Si taas loo helo, Qadar waxay u baahnayd hab waxbarasho oo adag".

Sheikha Moza, waa gudoomiyaha Qadar Foundation oo qayb wayn ka qaadatay samaynta hab waxbarasho sare oo aan horay u jirin. Waxaa hadda jira sagaal jaamacadood oo ku yaala Education City campus, oo ay wada dhiseen Maraykanka, Faransiiska iyo UK hayadahooda.

Waxay noqon kartaa meesha ay ku kulmaan galbeedka iyo bariga, iyadoo Qadar ay ku taalo meel caalamka ay isaga gudbaan. Laakiin waxay tiri looguma tala galin sidaas.

Waxaa loogu talagalay in la dhiso waxbarasho loo baxsado marka lacagta shidaalka ay dhamaato, siyaasad caymis ahaan.