Maxamuud Xaashi Oo Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Ka Difaacay Eeddo Dhinaca Tayada Hoggaamintooda Ah Oo Loo Jeediyay

0
1476

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa xukuumadihii kala danbeeyay ee madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse ka difaacay inay dalka dhibaatooyin u horseedeen.

Maxamuud Xaashi, oo ka qayb galay xaflad loo sameeyay arday ka qalin jabisay mid ka mid ah jaamacadaha dalka, wuxuu jawaab ka bixiyay eeddo dhinaca hoggaanka ah oo uu xoghayaha cadaaladda Barkhad Jaamac Batuun ku xidhiidhiyay dhibaatooyinka Somaliland haysta.

Maxamuud Xaashi oo ka jawaabaya eeddaas wuxuu yidhi “Saaxiibkay Barkhad oo halkan ka hadlaayay waxa uu yidhi dhibaato hoggaamineed ayaa ina haysata, waxaan is leeyahay saaxiibkay siyaasadii aanu isku haynay ayuunbuu muraayada iskaga eegaye malaa iyaguunbaan kursigii qaban oo mar haddii aanu Waddani qaban hoggaamin xumo ayaa jirta sidaas ayaan u arkayaa, caqabadaha ina haystaa maaha kuwo Kulmiye keenay markii Axmed Siilaanyo madaxweynaha ahaa iyo kuwo Muuse keenay toona waa mushkilado la soo dhaxlay oo aan laga been sheegi karayn ilaa yagleelkii qarankan ayaa ay dhibaatooyinkani ina haysteen, waxaynu u baahanay in si cilmi ah oo wax garaadnimo leh oo aqoon sare leh aynu u rogrogno.”

Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo uu shacabka ugu baaqay inay wax beertaan oo wax la soo baxaan, “Waa Inaynu wax la soo baxno oo dalkeena wax kala soo baxno oo aynaan noqon dal dunida wax looga soo dhoofiyo waxay cunayaan iyo waxay ku raaxaysanayaanba.” Ayuu yidhi waxaanu intaas raaciyay “Waxaan u baahanahay inaan tacab abuurano, inaan balwadaha oo qaadku koow ka yahay iska yarayno, 700 oo milyan ayaa sannad walba inaga gasha, waxna kuma bedelano, dalalkan aynu saaxiibka nahay inaynu wax kala bedelno ayaynu u baahanahay oo wax la soo baxno, waxa ina haysta cuduradii dhaqankeena hore oo si xun loo isticmaalo oo qabyaaladu ka mid tahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here