Maxamuud Xaashi, Ayaa Sheegay Inay Riddi Doonan Doorashada Soo Socata Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh

0
55

Hargeysa(geeska)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Kaah ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ku gooddiyay in ay xisbi ahaan horseed ka noqon doonaan in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu waayo doorashada soo socota ee madaxtinimada.
Waxa uu sheegay in ay cid kale adeegsan doonaan si kursiga looga qaado, taas oo loo micneeyay in uu ula jeedo xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ee ka tirsan baarlamaanka federaalka.
“Gacan tobnaad ayaanu ku aargoosan doonaa, Xasan-na wuu arki doonaa ragga aanu nahay. Qaybsanaan kuma jiri doono Sool, wuu arki doonaa Xasan Sheekh dhawaan ragga aanu nahay, marka aanu kurdiga waddada ka saarno, wuu arki doonaa,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Xaashi isaga oo ula jeeda in ay ka guulaysan doonaan maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan lagaga dhawaaqay Laascaanood ayuu yidhi: “Difaaca, wadajirka iyo midnimada ummaddayada dhiig ayaynu u shubaynaa. Bulshadeenna layskuma diri karo, Somaliland-na waa qaran la yaqaan xadka iyo juquraafiyadda uu leeyahay.”
Hadal la mid ah waxa warbaahinta hore ula wadaagay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, xilli ay bilo ka hor iswaydaarsanayeen maxaabiis Puntland, isaga oo markaasi sheegay in ay taageeri doonaan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, oo u tartamaya madaxtinimada Soomaaliya, isaga oo ula jeeday in xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ay u codayn doonaan.
Xildhibaannada reer Somaliland ee ka tirsan dowladda federaalka ayaa lagu xantaa in ay marar badan difaacaan danaha Somaliland, iyaga oo sheeganaya in ay yihiin xildhibaanno federaal. Taasi oo buuq ka dhex dhalisay golayaasha marar badan.
Xildhibaan Gobsan, oo kamid ah xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland, ayaa dhawaan tidhi: “Difaaca Somaliland wuxuu waajib iigu yahay sida shanta salaadood waajib iigu tahay, iyadaan kursiga ugu fadhiyaa; haddii aanan miiska joogin, wax midnimo la yidhaahdo ma jirto.” Hadalkan ayaa buuq ka dhaliyay baraha bulshada.