Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, ayaa baaq nabadeed u diray labada Beelood ee dagaalku dhexmaray, waxaanu ugu baaqay inay nabada qaatan oo ay joojiyaan dagaalka iyo colaada.
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha dalka ka jira, waxaanu ku baaqay in laga wada qayb qaat, waxaanu ugu horeyn yidhi“Beelaha walaalaha ah, waxaan u soo jeedinayaa oo aan ugu baaqayaa inay nabad ku soo dabaalan dagaalkii dhexmaray, colaadana faraha laga qaado, oo arinta nabadgalayo lagu soo dabaalo, colaadi dhib mooye dheef ma leh, waxaana ugu baaqi lahaa Beelahan walaal ah inay dadka maqlaan, oo Xukuumadda maqlaan, oo Madax-dhaqameedka maqlaan, oo colaada dhexdooda joojiyaan, waxaana xaqiiqo ah in nabado qaali tahay, ee nabada inoo ilaaliya”.
Maxamed Kaahin mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi “Wakhtigan oo aynu ku jirno abaar,oo waliba abaartii ka sii adkaatay sidii hore looma baahna colaad iyo dagaalo dhaco, ee waxa loo baahan yahay in abaartan adag ee Dalkii oo ku dhan ku wada baahday in la iskaga gargaaro, oo dadka la gurmado, waxaana ILLAAHAY ka baryeynaa inuu raxmaadkiisa inoo shubo”