Maxamed Cumar Carte Oo Ku Baaqay In La Soo Celiyo Wada Hadaladii Xayirmay

0
510

Geneva(Geeska/W.Wararka)-Raysalwasaare-xigeenka dawladda Somaliya Maxamed Cumar Carte, ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo wada hadaladii u dhexeeyay dawladaha Somaliland iyo Somaliya.

ccccc

Maxamed Cumar Carte, oo isagoo jooga dalka Switzerland oo uu shir kaga qayb galay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in wada hadaladu bilaabmaan oo la isu tanaasulo  “Haddaan la isu tanaasulin oo aan la kala roonaan, roob ma da’o, waa in la kala roonaado, oo la isku dayo sidii la isugu tanaasuli lahaa, hadii qofkan qaldan yahay inaad si wanaagsan u sixi kartid baa la rabaa, xaqa iyo waajibaadkana waxaa horeeya waajibaadka”ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte.

Wuxuu Maxamed Cumar Carte oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland tilmaamay in wada hadalada oo bilaabmaa wanaag keenayaan, “Haddii wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland aanu bilaabmin waxay noqoneysaa inay xaalka halkii un uu taagnaado, dhibteeda leedahay, xalka waxaa uu ku jira in wada hadalka bilowdo, markaas ayay dib u heshiisiin imaan kartaa.” sidaas ayuu yidhi.