Maxamed Biixi Yoonis Oo Maanta Hargeysa Imanaya

0
652

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa la filayaa inuu maanta ku soo laabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

1

Maxamed Biixi Yoonis, ayaa muddo dheer ka dib maanta ku soo laabanaya caasimadda Hargeysa, waxaanu dalka ku soo noqonayaa iyadoo ay meel xaasaasi ah marayso siyaasadda Somaliland ee la xidhidha doorashooyinka.

Maxamed Biixi, waxa Hargeysa ku sugaya saaxiibadiisii isbahaysiga oo muddooyinkan dambe ku jiray shirar doceedyo siyaasadeed oo ay arrimo badan ku rog rogayeen.

Maxamed Biixi Yoonis, ayaa la filayaa inuu warbaahinta la hadlo marka uu dalka ku soo noqdo maanta.