Maxaa Wasiir Cabdi Daahir Camuud Ugu Jira Kala Qaybinta Beelaha Ayuub?W/Qore Cabdilaahi Yusuf Axmed

0
617

Habeen hore waxa uu Shir ka qabsoomay Magaalada Hargeysa, Shirkaasi oo ay isku yimadeen Gudiyada Beelaha Ayuub, Kulankaasi oo ahaa is-xogwaraysi ku saabsan Xaalada Siyaasadeed ee Beesha iyo Marti-qaad Xisbiga Kulmiye usoo direy Beesha Ayuub.

Kulankaasi oo ahaa mid Gudidu soo abaabushay ayaa waxa ku soo dhex dhacay Wasiirduwalaha Shaqada Iyo arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud oo moodayey in shirkaasi laga hadlayo Arrimo siyaasadeed iyo Kursigiisa. waxaanu Cabdi Daahir Caamud Caadeystay in goob wal oo

beelaha  Ayuub isku yimaadan uu moodo in kursigiisa  ay kaga hadlayaan, waxaanu noqday nin uu Kursigu la weyn yahay, basle ma oga in uu xil qaran uu dalka u hayo, oo ciida Magacaabatayna  uu yahay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo),  Cabdi waxa uu noqday nin dantiisa gaarka ahi ay kala way tahay danta qaranka ee Madaxweynuhu u igmaday.

Cabdi daahir Camuud oo ah nin ku caan baxay kala qaybinta Beelaha Ayuub ayaa markii uu ku soo dhex dhacay shirka waxa uu bilaabay in uu hadalo ka cadheysiyey gudida uu halkaasi ka yidhaahdo isaga oo Shakhsiyad  gaar ahna  ku qaaday weerar qaawan, isla markana bilaabay in uu kala qaybiyo Beelaha Ayuub, halkii uu iskugu keeni lahaa, madama uu ku magacaaban yahay Wasiir Ayuub.

 Cabdi Daahir Caamud waxaan u sheegayaa in aanad  garanaynin wixii lagu magacaabay, basle waxad noqotay Nin ku mashquulay arrimo hoose oo waliba kala fogeynaya Beelaha Ayuub, waxaanan ku soo jeedinayaa in aad faraha kala baxdo arrimaha gudiyada beelaha Ayuub.

Cabdoow  waxad noqotay nin mar walba Xilka uu hayo ugu hanjaba  Beesha Ayuub, waliba dadka aad dantaada gaar ah ka dhex arkiwaydo.

Malaha Cabdi Daahir Camuudow ma garanaysid Shaqada aad qaranka u hayside, bal aan ku yara Tilmaamo waxa lagu magacaabay in aad dadka danyarta  ee reer Somaliland u shaqeyso, sida caruurta darbijiifka ee suuqyada Hargeysa Wadhan ee cidna haysan, iyo arrimo faro badan oo hoos yimada wasaarada. wasiir halkii aad ka hadli lahay abaaraha dalka ka jira ee madaxda qaran iyo shacabku u xadhko xidheen adiguna aad ku mashquusho  arrimo kale oo qaranka iyo beeshaba faa’ido u lahayn, Oo Xuman mooyane Faa’ido lahayn.