Hargeysa(Geeska)-Mr. Matt Bryden, oo wakhtigan maamula hay’ad cilmi baadhiseed oo ka hawlgasha Geeska Afrika, laguna magacaabo Sahan, ayaa si qoto dheer uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo weliba qodobada caqabada ah ee soo waajihi doona.
Matt Bryden, oo sidoo kale aha madaxdii guddigii kormeerka cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Somaliya, ahna khabiir si dhow ula socda arrimaha gobalka Geeska Afrika, ayaa wuxuu waraysi siiyay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya, ku iftiimiyay inay caqabado badani ku gadaamanyihiin wada hadaladaas. Waraysigaas oo uu Mt. Bryden, sidoo kale kaga hadlay xaaladaha dalka Somaliya, ayaa waxa su’aalaha la weydiiyay ka mid ahayd sida uu u arko wada hadalka Hargeysa iyo Muqdisho iyo weliba natiijada uu filan karo inay ka soo bixi karto. “Wada hadalka ay dawladda federaalka Somaliya iyo dawladii ku meelgaadhka ahayd ee ka horeeyay la leeyihiin Somaliland waa talaabo togan. Waa markii u horaysay ee ay dawladda Muqdisho iyo maamulka Hargeysa uu midba midka kale u aqoonsado in ay yihiin dhinacyo uu khilaf dhex yaalo, oo ay jirto wax yaabo ay tahay in ay ka wada hadlaan. Xaqiiqada ah in derbigii la jebiyay oo ay labadii dhinac wada hadlayaan waa horumar aad muhiim u ah. Hase yeeshe aad ayay u adagtahay, khatartii ugu weynayd ee wada hadalladan soo waajahdaana si ayay u soo xoogaysanaysaa oo si aan ku talo gal ahayn u gaadhay heer is-fahmi waa ,kala fogaanshiyo iyo is eedayn ah.” Ayuu yidhi khabiirkani.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu raaciyay “Sidaa awgeed, aad ayaa ay muhiim u tahay in wada hadaladani ay sii socdaan, oo bilowga ay ku koobnaadaan arimaha farsadamada iyo in la isla eego arrimaha laga midaysan yahay. Waxa ay tahay in ay bilowga isla eegaan qadiyadaha labada dhinac si isku mid ah u khuseeya, sida amniga, hawada, badda, ganacsiga, arrimaha dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo badeecooyinka. Waxyaabahani waa kuwo imikaba si uun u socda, laakiin waxaa laga dhigi karaa arrimo si rasmi ah la isaga af garto oo ay labada dhinac nidaam u sameeyaan. Marka ay timaado arrimaha siyaasadda ee ka dhexeeya, waxa jira wax ay ku kala qaybsan yihiin labada dhinac. Tusaale ahaan labada dawladoodba waxa ay isu arkaan in ay yihiin kuwo dastuuriyan ay qasab tahay in ay dhowraan shuruucda.”
Wuxuu Matt, iftiimiyay inay jiraan laba caqabadood oo wada hadalka saamayn ku leh, kuwaas oo kala ah madaxbanaanida Somaliland iyo midnimada Somaliya. “Somaliland, waxa la xurmaynayaa go’aankii la soo noqoshada madaxbanaanida ee 1991. Dawladda Federaalka Somaliyana, waxay xurmaynaysaa midnimadii dhuleed ee Somaliya, ee ay aqoonsanyihiin Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamkuba. Mid kasta oo ka mid ah labadan maamul inuu ka noqdo go’aamadaasi waxka dhigan tahay is-khaarajin siyaasi ah. sidaa awgeed midkoodna ma awoodo in uu ku lug yeesho wada hadal ay ka dhalanayso natiijo aan dan u ahayn oo aanu marka hore ugu sii tashan.”
Ugu dambayn, isagoo hadalkiisa soo gunaanadaya wuxuu yidhi “Waxa aan is leeyahay sida keliya ee ay uga wada hadli karaan mustaqbalkooda ugu dambeeyaa waa in ay marka hore natiijadu noqotaa mid furan oo qolo kastaa wax kasta ka filan karto, waayo in si nabdoon loogu heshiiyo midnimadu waxa uun ay ku iman kartaa heshiis labada dhinac ah, laakiin xoog ma’aha.”