Masuuliyiin Iska Casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Biiray Waddani

0
993

Hargyesa(Geeska)-Wasiirkii hore ee biyaha xukuumada madaxweyne Siilaanyo Baashe Cali Jaamac,wasiir ku xigeenka boosaha Cali Maxamuud iyo badhasaab ku xigeenka gobalka Sanaag ayaa iska casilay xilkii iyo xubinimadii xisbiga Kulmiye iyo xukuumada.

wasiir ku xigeenka boosaha iyo badhasaab ku xigeenka gobalka Sanaag ayaa sheegay inay xilkii ay xukuumada ka hayeen iska casileen isla markaasna dhamaan masuuliyiintani waxay sheegeen inay ku biireen xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Masuuliyiintan oo shir jaraa’id wada jir ugu qabtay Hargyesa ayaa ugu horayntii waxa halkaas ka hadlay wasiirkii hore ee biyaha Baashe Cali Jaamac waxaanu yidhi”Waan ka baxay xisbiga Kulmiye, waxaan ku biiray xisbiga Waddani, waxba ka sheegi maayo xisbigii hore waayo asxaab badan oo fiican ayaan ku lahaa laakiin waxaan u wareegay xisbiga Waddani oo ah xisbiga isbadalka dalkuna uu u baahan yahay isbadal doon.”

Cali Maxamuud Cali wasiir ku xigeenka wasaarada boosaha iyo is gaadhsiinta  ayaa isaguna dhankiisa halkaas ka yidhi”Wax badan ayaan arimahan ku dhex jiray oo aan eegayay oo khaladaadku ii muuqday inbadan ayaan horeba isku lahaa aad iskaga tagtid, maanta laga bilaabo xisbigii Kulmiye waan ka tagay, waxaanan u wareegay xisbiga Waddani wasiir ku xigeenimadiina waan iska casilay, shaqo aan dawlada u hayn doonaana ma jirto.”

Badhasaab ku xigeenka gobalka Sanaag Naaleeye Axmed Sheekh ayaa isaguna ku dhawaaqay inuu is casilay”Waxaan halkan kaga dhawaaqaynaa aniga oo ah badhasaab ku xigeenka gobalka Sanaag inaan xilkii aan u hayay xukuumada iyo xisbigaba aan iska casilay kuna biiray xisbiga Waddani, waxaanu ka soo digaroganay  beentii waxaanu u soo diga rogonay runtii.”

Safiirkii hore ee Djibouti danjire Maxamed Warsame oo isagoo ka soo laabtay safar uu ku joogay dalka dibadiisa shirjaraa’id shalay qabtay, wuxuu isna sheegay inuu ka baxay KULMIYE, kuna biiray xisbiga Waddani.