Qormadani waa mid aan ku eegi doono xaaladaha iyo duruufaha maanta ay ku sugan tahay somaliland si gaarana waxa aan ugu eegi doonaa mashruuca ay xukuumada kulmiye dabada ka riixayso ee dekeda berbera Sidoo kale waxa aan kaga warami doonaa safar aan dhawaan ku tagay gobolka saaxil.
Umad kasta jiritaankeeda waxa asal iyo aasaas u ah dawladnimada, dawladnimadu waa tiirka ama udub dhexaadka isku haya bulshada, waa halka ay aamiin bidaan umaduhu,
waa halka ay ku ilaashadaan shacabku hantidooda waa halka ay cadaalad, sinaan iyo amni ay ka helaan.
xukuumad kastaa waxa ay u dhisantahay u adeegida dadkeeda iyo dalkeeda iyada oo u maraysa dariiq sharci ah talaabo kasta oo ay qaadayso hadii ay tahay mid hurumarineed, mid bulsheed, mid shaqo abuur intaba masuuliyada koowaadna iyada ayay saaran tahay maadaama oo loo igmaday adeegyadaasi,
Dawladnimadu waxa ay abuurtaa kalsoonida iyo aaminaada ay ku qabaan bulshadeedu si loo gaadho yoolka hoggaamineed ee mujtamaca taasi oo ah halka ay ka bilaab mato horumarinta iyo dhisida qaranku, hadii taasi la waayo oo ay meesha ka baxdo waxa yimaada kala shaki iyo aamindaro soo food saarta xukuumada talada haysa iyo shacbkeeda taasina waxa ay keenaysaa in dalka iyo dadku dib u dhamaan kana faa'idaysan kari waa yaan khayraadka dabeeciga ah ee alle ku manaystay.
Ugu horayn inta aanan u daadegin dulucda Qormadan waxa aan ka jawaabi doonaa labadan waydiimood oo ah bar bilowga Qormadan
1- maxaa keena kal sooni darada xukuumada iyo shacbkeeda?
Hadii aan si sax ah uga jawaabno su,aashan waxa xaqiiqo ah
marka ay xukuumada awoodeedu kusoo ururto shaqsi yaad kooban,
marka ay badato eexda iyo qaraaba kiilku,
marka dhaqaalaha dalku ku ururo gacmo gaara,
marka ay meesha ka baxdo cadaalada iyo sinaantu,
Marka qadaraasyada ay dawladu bixiso cid gaara lagu naasnuujiyo,
Marka musuqmaasuq bato lana xisaabtami waayo,
Marka wasiir uu ka awood bato wasiir kale,
Marka mashaariicda iyo heshiisyada caalamiga ah loo mariwaayo nidaam sharciya. Waxa dhaca in xukuumada iyo shacabkeedu is aamini waayo talaabo kasta oo dawladu qaadana laga horyimaado dawlada noocaasi waa mid faashila dhamaan astaamahaasi waa kuwo ay ku sifowday xukuumada cadaalada daran ee KULMIYE.
Dhamaan asbaabahaasi wa kuwa keenayaa in shacabku ka horyimaadaan mashaariicda maalgalineed una arkaan arimo danaysi.
2- sidee lagu dhisaa kal soonida xukuumada iyo shacabka ka dhaxaysa?
Hoggaanka umadu marka uu yahay mid toosan oo ka turjumaaya sifihii lagu doortay waxa isu soo dhawaada madaxda iyo shacabka astaamaha wanaagsan ee masuulka xilkaska ah waxa aan ku cabiri karnaa sida Tan:-
Marka ay suganaato cadaalada iyo sinaantu,
Marka loo sinaado fursadaha shaqo laguna helo imtixaan iyo tartan,
Marka la sameeyo maamul daadajin waa faqsan shuruucda dalka,
Marka si toosa loogu dhaqmo dastuurka iyo xeerarka dalka u dejisan,
Marka la yareeyo lala dagaalamo musqmaasuqa eexda iyo qaraaba kiilka,
Marka jidka saxdaa loo maro mashaariicda maalgalineed si qodobaysana loo sharaxo lana horgeeyo barlamanka, Dhamaan talaabooyinkaasi iyo kuwo kale marka ay dawladuhu ku sifoobaan waxa ay kasbadaan quluubta shacabkooda xidhiidh fiicanina wuu dhexmaraa dawlada iyo shacabka si fududna dalku wuxuu ku gaadhaa horumar iyo higsi bulsheed oo la taaban karo astaamahanina waa sifaadka dawlad wanaaga.
Lasoco qaybta 2aad
Nuuradiin Diini