Telefishinka Dowladda Masar ayaa shalay shaaciyey inay Masar dalbatay in lagu soo wareejiyo Afduubahaasi oo ku eedeysan inuu afduubay Diyaarad Rakaab iyo inuu Diyaaradda u weeciyey inay ku degato Jesiiradda Qubrus.
Afduubaha oo lagu magacaabo Sayful-diin Mustafa oo 59-jir ah ayaa Salaasdii isku dhiibay Ciiddanka Ammaanka ee Qubrus, isagoo aan waxyeelin 72-kii Rakaab iyo shaqaalihii Diyaaradaasi.
Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladad Larnaka ee Qubrus waxay shalay amartay in Afduubaha xabsiga lagu sii hayo muddo 8 maalmood, iyadoo lagu soo oogay Afduub iyo inuu sunka Isqarxinta oo macmal ah u adeegsaday inuu Duuliyaha ku khasbo inuu Jihadda Diyaaradda beddelo.
Afduubaha waxa uu shalay Maxkamadda ka hor sheegay inuu falkaasi u geystay, isagoo sheegay inaanu muddo 24-sanno ah arkin Xaaskiisii hore iyo ciyaalkiisa oo deggan Jesiiradda Qubrus.