Qaahira (Geeska)- Saxafi u dhashay dalka Jarmalka ayaa warbixin baadhis ah oo uu muddo ka waday dalka Masar waxa uu ku ogaaday in dalkaas ay ka jiraan kooxo budhcad ah oo ka ganacsada xubnaha muhiimka ah ee aadamaha. Warbixintan oo uu Geeska Afrika soo koobay, waxaa lagu daabacay degelka Internet ka ee Press Portal oo laga leeyahay dalka Jarmalka. Wariyaha sameeyey warbixinta oo lagu magacaabo Telo Mishka ayaa muddadii uu xog ururinta samaynayey waxa uu adeegsanayey kamarado qarsoon oo meel durugsan si saafi ah sawirka iyo codkaba uga qaadi kara, waxa aanu ku guulaystay in uu bannaanka soo dhigo dhakhtaatiir, Shaybaadheyaal iyo cisbitaallo waaweyn oo ka shaqeeya qalniinada la xidhiidha ka ganacsiga xubnaha nolosha ee aadamaha.
Fiidyowyada uu soo bandhigay wariyaha warbixintan qarsoodiga ah diyaariyey ayaa qaarkood laga arkayaa maafiyada ka ganacsata xubnaha dadka oo si qasab ah qofka ay xubnaha kala baxayaan ku kaxaysanaya, isaga oo aanu qofku ka raalli ahayn, wax lacag ahna aan qofka siinin ayaanay kooxahani xubnaha dadkan kala baxayaan. Waxaa taas ka sii xun in qofka marka ay xubinta kala baxayaan aanay uga saarayn hab waafaqsan halbeegga nadaafadda iyo caafimaadka qalabka ay qalniinka u adeegsanayaan, taasina ay keentay in dad badan oo ay xubno kala baxeen uu qalabkii qalniinku qaadsiiyey cudurka AIDS ka.
Misha waxa uu sheegay in kamaradaha uu adeegsaday qaarkood ay ku xidhnaayeen muraayadda uu indhaha ku sito, kuwo kalana shandadda uu degta ku jisto uu ishooda ku dhejiyey, halka kamarad saddexaadna uu isheeda oo aad u yar dhabarkiisa ku dhejiyey. Taas oo u suurtogelinaysa in xitaa qofka uu dhabarka u jeediyey uu ka duubi karo fiidyow.
Xogta uu Misha ogaaday waxaa ka mid ah in kooxaha budhcadda ahi dadka qaarkood kelyaha ka iibsadaan iyaga oo ka siisanaya lacag u dhexeysa 5900 illaa 118 kun oo doolarka Maraykanka ah. Wariye Mishka intii uu warbixintan baadhisteeda waday waxa uu dhowr jeer la kulmay dillaaliin ka dhex shaqaysta maafiyada xubnaha dadka ka ganacsata iyo dadka lagala baxayo xubnaha, waxa kale oo uu waraysiyo kala duwan ka qaaday dad qaxoonti Suudaaniyiina ah oo lagu sameeyey qalniino lagala baxay xubnaha jidhka qaarkood. Mid ka mid ah dadkan ayaa wariyaha u sheegay in isagu uu ogolaaday in kellida laga saaro, kadib markii loo ballan qaaday lacag dhan 7 kun oo doolar in la siinayo qalniinka kadib. Laakiin markii dambe uu suuxdintii qalniinka kellida lagaga saaray ka soo miyirsaday isaga oo cisbitaal jiifa oo aanay dhakhaatiir, kalkaalisooyin caafimaad iyo dillaalkii hawsha ku qanciyey midna la joogin.
Misha waxa uu sheegay in dillaalinta arrimahan ka shaqeeya badankoodu ay u dhasheen dalka Suudaan, inta badanna kelli kasta oo ay keenaanba ay lacag ku dhow 6 kun oo doolar dillaal ahaan uga qaataan ganacsatada xubnaha aadamaha.
Arrinta xiisaha leh ayaa ah in wariye Mishka qudhiisu uu tegey cisbitaal caan ah oo ku yaalla dalka Masar, kadibna u sheegay in uu yahay dalxiise dalka Masar u yimid in uu ka helo kelli iib ah oo uu aabihii u baahan yahay. Waxa uu sheegay in markiiba is aad u heersarraysa loogu soo dhoweeyey xafiiska agaasimaha guud ee cisbitaalka, kadiban uu uu agaasimuhu u caddeeyey in si fudud oo dhaqso ah loogu heli karo kellida, laakiin qaabka loo helayaa aanay ahayn in qofkii ku tabarucayey ay is arkayaan balse uu yahay qaba dadban oo cisbitaalku uun ka dhex shaqaynayo, una keenayo uun kellida.
Warbixintan waxaa si aad ah uga cadhooday masuuliyiinta dalka Masar iyo dad badan oo rayid ah, si kastaba ha ahaato ee waxa ay warbixintu dareen baqdin iyo walaac leh ku abuurtay dadka dalkaas u dhashay, kuwaas oo qaarkood ku doodeen in qiimihi bani’aadamka loo hayey hoos u dhacay.
Si kastaba ha ahaato ee dalka Masar oo tirada dadkiisu ku dhowyihiin 94 Milyan oo boqolkiiba 27 ka mid ahi ku nool yihiin xaalad faqri ah, isla markaana intii ka dambaysay kacdoonnadii lagu riday madaxweynihii hore ee Maxamed Xusni Mubaarak sannadkii 2011 aanu dalku helin xasilooni siyaasi ah, ayaa laga yaabaa in ay xaaladdaasi ka mid tahay sababaha ay budhcadda xubnaha dadku uga heleen suuq ay ka dhex shaqaystaan.
Waxaa xusid mudan in dalkaas ay maraan tahriibeyaal tiro badan oo ay ku jiraan Soomaali doonaya in ay safar badda ah ku tagaan Yurub, waxa aanay taasi ka mid noqon kartaa sababaha ay ganacsatada xubnaha nolosha ee aadamuhu dalkan ku doorteen iyada isla markaasna kordhinaysa cabsida ah in dad badan oo tahriibeyaal dunida ka yimid ah halkaas xubno lagala baxay, oo ay sidaas ku dhinteen iyada oo aanay ciddoodu ogaan ama ay ku nool yihiin xaalado caafimaad iyo nololeed oo aanay ehelkoodi la xidhiidhi karin.