Marxuum Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Si Maamuus Qaran Leh Loogu Aasay Deegaanka Toon

0
970

Hargeysa-(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay barqadii deegaanka Toon ee duleedka Hargeysa si maamuus qaran leh loogu aasay Ruug-cadaagii nabadda iyo dib u heshiisiinta Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe).

Aaska Marxuumka waxa ka qayb galay inta badan ee bulshada caasimadda Hargeysa, Madaxweyne Biixi, ku xigeenkiisa, Madaxweynihii hore Axmed-siilaanyo, madaxda dhaqanka ee Somaliland, marti ka timid gobalada dalka iyo kuwo kale oo ka kala yimid dalalka jaarka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmado kooban oo uu ku sharraxayo taariikhda marxuum Xaaji Cabdikariin ka jeediyey janaasada dusheeda, ayaa sheegay inuu marxuumku waqtigiisii iyo noloshiisiiba u huray islaaxa iyo walaalaynta bulshada, waxana uu Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, waxana uu yidhi, “Xaaji Cabdi taariikhdiisa daqiiqado laguma soo koobi karo, wixii Af Soomaali yaqaannaana waa wada og yihiin, ajanabiga Soomaalida la shaqeeya ee yaqaannaana waa og yihiin oo taariikhdiisa qoraal iyo muuqaalba waa lagu hayaa. Xaaji Cabdi waxa aynnu kusoo koobaynaa waxa uu ahaa samo-wade murti-dhaadhi ah, dad wad leh, ummadda isu jiida, intii uu noolaana noloshiiisa u huray nabadayn, walaaltinimo iyo islaax ku dhammaystay, Ilaahayna waxaynu ugu rajaynayaa inuu qabriga u nuuro, jannadii Firdowsana ka waraabiyo.”

Xaaji Cabdikariim oo ay da’adiisu ahayd 122 sannadood, wuxuu ka tirsanaa golaha guurtida, waxaanu ahaa gadhwadeenkii nabadaynta iyo dib u heshiisiinta dhex dhigay beelaha Somaliland.

Alle haw naxariisto Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf, waxa ay geeridiisu Somaliland ku banaysay kaalin muhiim ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here