Weriyihii caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke ayaa habeen hore waaberigii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana shalay lagu aasay magaalada Wajaale ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya oo ah magaalo uu aabihii aasaasay oo ay ehelkiisuna ku aasanyihiin. Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun kaga soo booday dhinaca wadnaha. Allaha u naxariistee weriye Axmed Xasan Cawke ayaa ahaa weriyayaasha ugu caansanaa kuwa Soomaalida, waxaan aaskiisa ka qayb galay madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro, guddoomiyaha iyo murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, saxafiyiin reer Somaliland ah oo tiro badan iyo shacab kale oo tiro badan oo ka kala tagay magaalooyinka Somaliland iyo magaalada Jigjiga. Walaashii Canab Xasan cawke ayaa sheegtay walaakeed Axmed Xasan Cawke uu habeen hore goor danbe kala soo hadlay teleefanka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo uu aad u xanuunsanayo, kaddibna loo soo xaqiijiyay in uu geeriyooday.
Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Raadyo Muqdisho 1972, isaga oo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada. Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Telafeshinkii Soomaaliya, kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii saomaaliya. Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka Soomaliga ee BBC sanadkii 1996, isaga oo si weyn loogu yaqaanay barnaamijkii madadaalada iyo Salaamaha. Waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaliga ee VOA iyo dhowr telefashin oo gaar loo leeyahay. Cabdisalaan Hereri oo ah saxafiga ay isugu dhawaayeen marxuumka ayaa sheegay in Marxuum Cawke u sheegay inuu da’adiisa ku qiyaasayo 71-72 jir, waxaanu ifka kaga marxuum Cawke xaaskiisa Sacdiya Cabdillaahi Salaad iyo lix carruur ah. Lixda carruurta ah saddex ka mid ah waxa u dhashay Sacdiya halka ay saddexda kalena u dhaleen haween kale. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa marxuum Cawke ku tilmaamay halyey ka baxay qaranka Somaliland “Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somalilandba, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel ay joogaanba.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada. Sidoo kale madaxweynaha dalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna Cawke ku tilmaamay geesi muddo badan la tabi doono kaalintiisii.
Magaalada Hargeysa oo uu marxuumku muddooyinkii u dambeeyay degenaa ayaa si weyn looga dareemay geerida marxuumka iyadoo ay shalay inta badan dadweynaha reer Hargeysa magaalada Wajaale u tageen ka qayb galka aaska Marxuum Axmed Xasan Cawke. Si kastaba ha ahaate Marxuum Cawke ayaa ah halyey in badan la tabi doono, waxaanu ahaa qof lagu tilmaami karo inaanu jirin amaba uu yaryahay qof Somali ah oo aan magaciisa aqoonin. Haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika waxaanu tacsi u diraynaa guud ahaan bulshada Afka Somaliga ku hadasha, qoyska, carruurta, xaaska iyo umadda uu ka geeriyooday marxuum Axmed Xasan Cawke, Allena SWT waxaanu ka baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Marxuumka. Aaamin.