New York,(Geeska/PRNewswire)- Marwo, Adna Adan Ismaaciil ayaa maanta lagu gudoonsiin doonaa magaalada New York, abaalmarin caalami oo sannad walba la siiyo shaqsiyaadka wax ku soo kordhiya aduunka, iyadoo metelaysa Somaliland.
Hay’ada la-dagaalanka Macaluusha Caalamka (GPP) oo bixinaysa baalmarintan ayaa shaaca ka qaaday in abaalmarinta Dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Caalamka u aqoonsadeen sannadkan afar hogaamiye oo wax qabad ka muujiyey la-dagaalanka saboolnimada baahsan.
Abaalmarintan, oo KOZMINSKY Jewelry, soo diyaariyo ayaa sannadkan xaflada Muwaadiniinta Caalamka oo ka dhici doona beerta badhtamaha New York lagu gudoonsiin doonaa Marwo, Adna Adan Ismaacill, iyo saddex xubnood oo lagu soo xulay waxqabadkooda la dagaalanka saboolnimada baahsan.
Marwo, Adna Adan ayaa la sheegay inay ku mutyasatay abaalmarintaa u hurida nafteeda horumarka caafimaadka iyo sare u-qaadida hab-nololeedka dadka Somaliland, oo ku taal Afrika, oo ku tilmaaman meelaha ugu sareysa dhimashada hooyada uurka leh iyo dhalaanka xilliga dhalmada.
Waxa sidoo kale lagu sheegay warbixinta abaalmarinta maanta lagu gudoonsiin doono Marwo Adna, inay u doodo xuquuqda dumarka, gabdhaha, raga, qoysaska iyo shacabka Somaliland
Abaalmarintan ayaa sidoo kale la gudoonsiin doonaan shaqsiyaad ay ka mid yihiin Wifrid Macena, oo ku lugo-beelay dhulgariirkii ka dhacay Haiti. Urmi Basu, oo u dhalatay dalka Hindiya, una halganta taagerida dumarka iyo Dr. Peter Salk, oo dhinaca soo saarista talaalada cudurka dabaysha lagu siinayo.
Hay’ada La-Dagaalanka Macaluusha Caalamka (GPP) ayaa ah hay;ad caalami ah oo u ololaysa dabargoynta macaluusha baahsan, iyo gaadhitaanka aduun aan baahi jirin.