Markab Dagaal Oo Hore U Riday 5 Hogaamiye, Isuna Diyaariyey Inuu Galaafto Madaxweyihii 4aad Ee Carbeed: Warbixin

7
840

Picture2Hargeysa (Geeska) Markabka dagaalka ee lagu magacaabo Saldhigga 6aad oo uu Maraykanku leeyahay ayaa isu diyaarinaya in uu weerar gantaallo iyo diyaarado isugu jira ku qaado dalka Suuriya, hawlgalkaas oo qayb ka noqon doona dadaal ay dalalka reer galbeedka ee Maraykanka, Ingiriiska yiyo Faransiisku hor kacayaa ay xukunka ka tuuraan keli-taliyaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad oo lagu eedaynayo in uu suntan neerfayaasha disha ku xasuuqay dadkiisa diiddan xukunka qoyskan oo 42 sano talada dalkaas xoog ku hayey.

Markabkan ah saldhig-biyood si casriya u qalabaysan oo 63 sano ceegaagay badda Mediterranean ayaa muddadaa weeraro gantaallo iyo diyaarado isugu jira ku qaaday 3 dal oo carbeed, halka ay ciidamada saaranina 55 sano ka hor ku degeen magaalada Beirut ee xarunta dalka Lubnaan oo ay haysteen muddo boqol maalmood ah, haatanna waxa uu isu diyaarinayaa in uu bar-tilmaameedsado Bashaar Al-Asad iyo dawladdiisa kadib markii ay soo baxeen eedaha la xidhiidha in isticmaalkan suntan kiimikada ah.

Markabkan oo uu Maraykanku ugu talo-galay in uu kaga qayb galo hawlgallada dalalka ku dhow oo bariga dhexe u badan iyo in uu cadowga Maraykanka ka ilaaliyo Marin-biyoodada Jabal-daariq oo dalka Marooko mara iyo Suweyska Masar waxaa la dhisay sannadkii 1946kii afar sano kadibna waxaa loo soo diray fadhiisankan uu illaa hadda joogo ee badda Mediterranean-ka iyada oo ay saaran yihiin 175 diyaaradood oo F-15 iyo F-18 ah, 40 doonyaha casriga ah dagaalka ah, 21 kun oo askari, 3 Gujisyada Nukliyeerka qaada ah, Madaafiic tiro badan iyo Gantaalaha casriga ah ee Tomahawk, waxaana maalmahan u dambeeyey lagu soo xoojiyey hub iyo qalab Milateri oo dheeraad ah, taas oo muujinaysa in ay tahay u diyaar garow la doonayo in uu weerar ku qaado bartilmaameedyo ay leeyihiin ciidamada Asad ee dalka Suuriya.

1. Dalkii ugu horreeyey ee uu Markabkani farogeliyaa waxa uu ahaa dalka Lubnaan oo sannadkii 1956kii ay ka dhaceen kacdoonno siyaasiya oo u dhexeeyey Muslimiinta iyo Kiristaanka dalkaas kuwaas oo qarka u gaadhay in ay dagaallo sokeeye qarxaan. Madaxweynihii xilligaas ee Lubnaan Kamiil Shamcoon oo ahaa Kiristaan xidhiidh aad u adag la leh dalalka reer galbeedka ayaa diiday dalabkii Carabta iyo dalalka Muslimka ee ahaa in uu xidhiidhka diblumaasiyadeed u jaro dalalka reer galbeedka oo sannadkaas weerar saddex geesood ah ku qaatay Kanaalka Suweys ee dalka Masar. Cadhada arrintan ka dhalatay waxaa sii raacday madaxweyne Shamcoon oo sheegay in uu taageersan yahay nidaamkii la baxay Is-bahaysiga Baqdaad ee uu madaxweynihii Masar Jamaal Cabdinaasir oo xilligaa Carabtu aad u raacsanayd u arkayey in uu khatar ku yahay fikirka wadaniyadda Carbeed ee uu isagu hoggaaminayey.

Markii ay sannadkii 1958kii midoobeen Masar iyo Suuriya ayaa ay muslimiintii Lubnaan dooneen in ay xukuumaddooda ku qasbaan in lagu biiro midowgaas, laakiin Kiristankii ayaa iyaguna markiiba dalbaday taas lidkeeda oo ahayd in isbahaysi lala yeesho dalalka reer galbeedka, kadib waxaa labadan dhinac ee reer Lubnaan dhex maray iska hor-imaad hubaysan oo ay awood badan yihiin Muslimiinta oo taageero ka helaysay Jamhuuriyadda Carbeed ee Midowday (Suuriya iyo Masar), Kamiil Shamcoon waxa uu golaha Amniga u gudbiyey cabasho rasmiya oo arrintan la xidhiidha. Laakiin khubaro xaqiiqo raadis ah oo ay Qaramada Midoobey soo dirtay ayaa caddayn u waayey cabashadii Shamcoon ee ahayd in ay Jamhuuriyadda Carabta Midowday soo farogelisay, Waxaa iyaduna isla xilliyadaa dhacday dawladdii Ciraaq ee reer galbeedka taageersanayd, arrintan oo sii dhiiri gelisay Muslimiintii Lubnaan cabsi badanna ku abuurtay Madaxweyne Shamcoon iyo guud ahaanba Kiristaankii Lubnaan ayaa keentay in Shamcoon uu Maraykanka ka codsaday in uu arrintan soo farogeliyo oo uu taageero Kiristanka, dalabkaas oo uu markiiba aqbalay madaxweyne Eisenhower oo u talinayey Maraykanka, waxaa ka qayb qaatay Markabkan aynu hadda ka waramayno.

Hawlgal loogu magac daray Fiidmeerta buluugga ah ayaa 14kun oo ka mid ahaa ciidamadii Maraykanka ee Markabkan saarnaa waxa ay ku soo degeen xeebaha Beirut 1958kii, waxa aanay markiiba qabsadeen dekedda, madaarka iyo dhammaan goobaha muhiimka ah ee dalkaas.

Ciidamadan Maraykanku waxa ay Beirut haysteen illaa 25kii bishii Tobnaad ee sannadkaa, waxa aanay xoog ku muquuniyeen mucaaradkii dawladda iyo xoogaggii muslimka ahaa, laakiin arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in Ciidamadan Maraykanku aanay sii wadin saaxiibtinimadii Madaxweyne Shamcoon oo markii ay mucaradkii jebiyeen isagiina waxa ay ku qasbeen in uu is-casilo si aanu dagaal sokeeye u dhicin, waxa aanay ka shaqeeyeen in uu madaxweyne noqdo Fu’aad Shihaab oo ahaa taliyihii guud ee ciidamada qalabka sida ee Lubnaan, taas oo fududaysay in uu heshiis dhex maro Masar iyo Lubnaan, halkaasna ay dalka Lubnaan uga bilaabatay xasilooni siyaasiya iyo amni iyo horumar si xawli ah u socday muddo 13 sano oo dambe ah.

Mar kale ayaa uu Markabkani sannadkii 1983kii soo farogeliyey dagaalkii sokeeye ee haddana ka qarxay dalka Lubnaan, waxa aanu si ba’an u garaacay waaxda loo yaqaanno “Waaxda Koonfureed” ee magaalada Beirut oo ay xoog ku leeyihiin Shiicadu iyo weliba saldhigyo buuraleyda ah oo ay degenaayeen qaar ka mid ah maleeshiyiihinkii dagaalkan qaybta ka ahaa. Ciidamada Maraykanka ee Markabkan saaran oo muddo ku sugnaa Beirut iyo guud ahaan Lubnaan waxa ay si degdeg ah uga baxeen markii Qarax weyn oo loo adeegsaday laba baabuur oo ah kuwa xamuulka oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa lagu qaaday saldhig ay deggenaayeen ciidamada Isbahaysiga ahaa ee Maraykanka iyo Faransiiska, qaraxaas waxaa ku dhintay 241 Askari oo Maraykan ah, 58 Faransiis ah 6 shaqaale rayida ah, waxaana ku dhaawacmay 75 askari.

2. Markabkani waxa uu ka qaybgalay hawlgallo iyo waardiyeyn uu Siddeetamaadkii Qarnigii hore Maraykanku ka fuliyey dalka Liibiya, waxa aanu si toos ah uga qayb galay hawlgalkii Milateri ee sannadkii 2011ka Isbahaysiga reer galbeedka oo uu Maraykanku hor kacayaa ku qaadeen dalka Liibiya, si ay u garabsiiyaan xoogaggii hubaysnaa ee mucaaradka. Weerarradii uu Markabkani ku qaaday dalka Lubnaan ayaana ka mid ahaa sababaha ugu waaweyn ee uu Mucammar Al-Qaddaafi uga baxay magaalada Tripoli ee caasimadda Liibiya, taas oo soo dedejisay dhicitaankii dawladdiisa. Markabka Saldhigga Lixaad ee Maraykanka hawlgalladiisu kuma ay koobnayn ridista labadaa madaxweyne ee Carbeed, balse waxa uu si xooggan uga qayb qaatay dagaalkii Kosovo oo aakhirkii sabab u noqday riditaanka madaxweynihii hore ee Yugoslavia Slobodan Milosevic, sidoo kale waxa uu kaalin weyn ka qaatay dagaalkii dalka Ciraaq ee xukunka lagaga tuuray madaxweyne Saddaam Xuseen.

Imikana waxaa ay u muuqataa in uu markabkani mar kale ka qayb qaadan doono ama markan uu sidii xilligii Lubnaan uu isagu sabab u noqon doono dhicitaanka madaxweynaha dalka Suuriya oo muddo saddex sano ah dagaal aan maatada loo nixin kula jiray xoogag mucaarad isku dhafan ah oo ka soo horjeeda xukunkiisa. Haddii ay taasi dhacdana waxa uu Bashaar Al-Asad noqonayaa madaxweynihii 5aad ee dundia oo dhan iyo kii 4aad ee Carbeed ee uu Markabkani karkaarka weydaariyo.

Comments are closed.