“Marka Wakhtigan La Keenayo Golaha Wakiillada Xeerka Dib U Furista Ururrada, Waxaa La Rabaa In Khilaaf La Abuuro..” Xildhibaan Qabile

0
461

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay Xeerka Golahooda horyaalla ee Diwaangelinta ururrada siyaasadda oo wax ka beddel iyo kaabis lagu samaynayo, waxaanu tilmaamay in aan loo baahnayn in nidaamka dawladnimada majaraheeda laga leexiyo, lana abuuro khilaafyo siyaasadeed,

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Haddii aanu nahay Golihii Wakiillada, muddo xilkeedkayagii muddo yar oo aad u kooban ayaa nooga hadhay, muddadan kooban ee noo hadhayna maaha muddo ay haboon tahay in lagu keeno Xeerar, balse marka wakhtigan la keenayo xeerka dib u furista Ururrada siyaasadda, waxaa la rabaa in khilaaf siyaasadeed oo dambe la abuuro, haddii wax walba daacad laga yahay Golaha dambe ee iman doona ayaa lala sugi lahaa Xeerkan iyo Xeerarka kale ee la midka ahba, markaas waxaan ka digayaa in nidaamka dawladnimo majaheerada laga leexiyo, oo khilaaf siyaasadeed la abuuro, markaas anigu waxaan soo jeedinayaa in aan dib loo abuurin khilaaf siyaasadeed”.

Mar wuu ka hadlayey Puntland wuxuu yidhi “Puntland iyo Wasiirkeeda hanjabayeyba waxaan leeyahay hanjabaad waxba ku qaadi maysaan, cidna waxba ku yeeli maysaan, ee xadkiina ku eekata, haddii kale khasaare mooye faa’iido naga heli maysaan…”

 

Geeska.net/Hargeisa Office