Maraykanka Oo Xidhay Safaaradiisii Djibouti

0
610

Djibouti(W.Wararka)-Dawladda Maraykanka ayaa xalay ku dhawaaqday inay si ku meelgaadh ah u xidhay safaaradii ay ku lahayd Djibouti.

Dawladda Maraykanku waxay sheegtay in maanta oo khamiis ah la joojiyay shaqadii safaaradda Maraykanka ee Djibouti islamarkaana dib loo furi doono Axada soo socota, iyadoo safaaradu maalmahaas dib u eegis ku samayn doonto ammaankeeda.

Dawladda Maraykanku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha arrintan, sidoo kalena dawladda Djibouti ayaan bixin wax hadal ah, inkastoo la filayo in maanta ay soo baxaan warar faahfaahsani.

Xadhiga safaaradda Maraykanka ee Djibouti ayaa lala xidhiidhinayaa dhinaca ammaanka gobalka geeska Afrika.