Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, waaxdeeda u qaabilsan ilaalinta xuquuqal insaanka, ayaa toddobaadkan soo saartay warbixinteeda sannadlaha ah ee ay kaga hadasho xaaladda xuquuqda bini-aadamka iyo dimuqraadiyadda ee dunida ee sannadkii 2014.
Warbixintan oo aad u dheer, wadamada uu Maraykanku kaga hadlay xaaladda xuquuqal insaan iyo dimuqraadiyadeed waxa ka mid ah Somaliland, si gaar ahna wuxuu uga hadlay xaaladda saxaafadda Somaliland ee madaxabanaan iyo weliba xayiraadda saaran wargeyska Haatuf iyo xadhigii lagu fuliyay madaxda warbaahintaas. “Somaliland waxay si joogto ah u xidhay xarumo warbaahineed oo ay Haatuf iyo Somaliland times ku jiraan iyadoo lagu eedeeyay aflagaadaynta Madaxweynaha iyo madaxda qaranka. 25 June 2014 waxa ay maxkamadda Hargeysa ku xukuntay Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah guddoomiyaha Haatuf Media Network iyo Axmed Cali Cige oo ah tifaftiraha shabakadda saddex sannadood oo xadhig ah iyo 25 milyan oo lacagta Somaliland ah oo ah ganaax taas oo u dhiganta ( $ 4000) iyadoo lagu eedeeyay inay faafiyeen warar been ah oo lagu sumcad dilayo madaxda dawladda. Maxkamadu waxa kale oo ay laashay liisankii wargeyska. Madaxweynaha Somaliland ayaa cafiyay shakhsiyaadkii [weriyayaashii] 13 July 2014.” Ayay tidhi warbixinta Maraykanka oo ka hadashay xayiraadda saaran wargeyska Haatuf.
Warbixintu waxa kale oo ay ka hadashay go’aan uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland xisbiyada mucaaradka ah kaga horistaagay inay qabsadaan shir wada tashi qaran, iyadoo warbixintu tilmaantay in wasiirku shirkaas ku tilmaamay mid qayral sharci ah.
Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Somaliland leedahay hanti dhawre iyo guddi la dagaalanka musuq maasuqa ah balse uu Madaxweynuhu magacaabo.
Warbixintan oo qaybteeda Somaliland khusaysaa ay aad u dheertahay ayaa waxa kale oo ay ka hadashay doorashada golaha wakiilada Somaliland oo ay warbixintu xustay in la doortay sannadkii 2005 balse ay fadhiyaan shan sannadood oo dheeraad ah oo aan la dooran.