Maleeshiyaadkii Suldaan Wabar Oo Isa Soo Dhiibay Iyo Doorka Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali

0
564

Picture7Hargeysa(Geeska)-Inta badan maleeshiyaadkii taageersanaa Suldaan Wabar ee dhawrka goor soo weeraray gudaha Somaliland, ayaa shalay isa soo dhiibay, waxaana lagu qaabilay duleedka magaalada Borama ee gobalka Awdal. Waxase ka maqnaa Suldaan Wabar oo la sheegay inuu u dhoofay dalka Maraykanka oo uu dhalashadiisa haysto.

Kooxdan maleeshiyaadka ah oo tiradooda lagu sheegay dhawr iyo toddobaatan ruux, waxa qaabilay badhasaabka Awdal, Madaxweyne-xigeenkii labaad ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo isagu kaalinta ugu weyn ka qaatay soo celinta kooxdan hubaysan, salaadiin iyo saraakiisha ciidanka qaranka qaar ka mid ah.

Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo qaabilaada maleeshiyaadkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay soo xero gelinta dhallinyaradaas. “Waa maalin farxad leh, waanan ku faraxsanahay munaasibadan inaan ka soo qaybgalno, waxa naga soo dhammaaday xurguf dhex taalay dadka iyo dawladda.” ayuu yidhi Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo intaas raaciyay “Runtii carabka iyo labadiisa daanba way is diidaan, maxay taasi u dhacday ma lihin, way dhacday laakiin waxa la yidhaahdaa mushkilad iyo khilaaf Malaga heshiiyay mise lagama heshiin, dalkiinii hooyo ayaad ku soo noqoteen ee soo dhawaada, idinkana waxaan diin rajaynayaa inaydaan qaloon, niyad wanaag iyo qalbi furan hawlihiina ku bilowda. waxay taasi muujinaysaa inuu tudhaale jiray oo xukuumadu tudhaysay idinkuna tudhayseen, labadiinuba waad ku mahadsantihiin.”

Ugu dambayn wuxuu mujaahidku u mahadceliyay madaxdhaqameedka, culimada iyo wax garadka reer Awdal oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaateen in xaaladu ku dhammaato wada hadal iyo wanaag, si gaar ahna wuxuu u ammaanay ciidamada qaranka ee xuduuda jooga.

Badhasaabka gobalka Awdal Maxamuud Cali Saleban oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradan lagu qaabili doono qalbi furan isagoo tixraacaya cafis uu u fidiyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.