Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa magacaabay Guddi ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo dhex dhexaadin doonta khilaafka ka dhex taagan Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, oo laba garab u kala jabay. Guddida Guddoomiyaha Guurtiddu ayaa uu magacaabay ayaa waxa ay ka kooban yihiin Shan iyo Toban xubnood oo saddex ka mid ahi yihiin Shirguddoonka, halka Laba iyo Toban xubnood ee kale kala yihiin:
Guddoomiye Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdiwaraabe)
Muxumed Aw Maxamed
Cabdiqaadir Aw Xuseen
Cabdiqaadir Maxamed Xasan
Yuusuf Cabdilaahi Cawaale
Axmed Nuur Aw Cali Aadan
Axmed Muuse Obsiiye
Saleebaan Garas Seed
Maxamed Jaamac Abokor
Cawil Xuseen Axmed
Sheekh Maxamuud Xirsi Faarax.